Qisooyin cajiib ah oo ku dhacay dadka isticmaala Facebook

0

Qisooyinka aan halkaan ku soo bandhigi doono waa kuwo dhab ah oo ku dhacay ama ay sameeyeen dadka isticmaala Facebook.

Reerkii Sawirkooda xayeysiinta loo isticmaalay

Qisadaan ayaa ku dhacday reer degan Maraykanka oo sawirkooda gashaday facebook, shirkad ku taala dalka Czech Republic ayaa isticmaashay sawirkooda ayadoo qof ay isyaqaanaan uu maalintii dambe u soo sheegay reerka. Arinta ayaa maxkamad gaartay ayadoo milkiilaha shirkadaas uu ku dooday in uu sawirka ka helay internetka oo uusan war ka hayn in sawirka ay leeyihiin reer dhab ah.

Wiilkii ka badbaaday xabsiga Facebook dartiis.

Wiil lagu magacaabo Rodney Bradford ayaa xabsi ka badbaaday ka dib fariin uu ku qoray facebook. Wiilka ayaa lagu eedeeyay in uu dukaan soo dhacay balse arintaas ayuu diiday asagoo qareenkiisa uu cadeeyay in Rodney xiliga dukaanka la dhacay uu fariin ku qorayay Facebook asagoo jooga guriga aabihiis.

Maxkamada ayaa aqbashay cadeynta Facebook ayadoo wiilkaas uu xabsiga ka badbaadey.

Ninkii xaaskiisa furay asagoo isticmaalaya Facebook

 

Emma Brady oo ah xaaska la furay ayaa furiinkeeda ka ogaatay Facebook ka dib markii ninkeeda uu ku qoray darbigiisa”Neil Brady waa uu furay Emma Brady” xaaska ayaan xitaa Facebook akhrin oo mid ka mid ah asxaabteeda oo ku nool Denmark uu soo wacay si uu sorry u yiraahdo ayadoo markaas ka war heshay in la furay.

Haweeneydii cayrta laga goostay ka dib sawiro ay ku shubtay Facebook.

Haweeneyda lagu magacaabo Nathalie Blanchard ayaa laga goostay lacag guno ah oo ay qaadan jirtay sababtoo ah caafimaadkeeda oo aan fiicneen. Lacagta ayaa looga goostay ka dib markii ay Facebook ku shubtay sawiro ayadoo baashaaleysa oo dalxiis ku jirta.

Shirkadii lacagta siin jirtay ayaa sheegtay in aysan u muuqan Nathalie Blanchard qof xanuunsan sawiradaas dartood.

Ninkii Faceboogiisa wax ka badalay ka dib nikaaxa

Sida caadiga ah marka ay gaalada isguursadaan ayay isi shumiyaan balse ninka lagu magacaabo Dana Hanna ayaa jabiyay dhaqankaas asagoo markii uu dhameeyay wadaadka nikaaxa halkii uu ka shumin lahaa xaaskiisa la soo baxay mobeel asagoo Faceboogiisa ku qoray in uu hada guursaday.

Sidoo kale Dana Hanna ayaa xaaskiisa siiyay moobeel si ay ayaduna sidoo kale u sameyso.

Wiilkii la afduubtay oo reerkiisa Facebook ka helay 22 sano ka dib

Ninka lagu magacaabo Alex Anfuso ayaa aabihiis ka kaxeystay hooyadiis asagoo 5 sano jir ah asagoo la degay Masar, 22 sano ka dib ayuu Alex Anfuso sheegay in uu Facebook u diray fariimo dhamaan dadka magacooda ku dhamaado Anfuso si uu u helo hooyadiis asagoo markii dambe u diray fariin nin ka shaqeeya telefishin ku yaal talyaaniga oo magaciisa ku dhamaado Anfuso.

Alex Anfuso ayaa masar ku noolaa intaas oo sano asagoo aan xitaa deganaansho ka haysan halkaas. Ninkaan ayaa qisadiisa ka sheegay telefishin ku yaal talyaaniga asagoo helay qaraabadiisa balse nasiib daro hooyadiis mar hore ayay dhimatay.

Wiilkii iyo Gabadhii isku magaca ahaa ee Facebook iska guursaday

Qisadaan waxa acajiib ka dhigaya ma ahan in ay dadkaan ku kulmeen internetka balse waa magacooda. Wiilka lagu magacaabo Kelly Hildebrandt oo degan gobolka Texas ee Maraykanka ayaa Facebook ka helay gabadha ayaduna ku magaca ah ee lagu magacaabo Kelly Hildebrandt oo degan gobolka Florida ee maraykanka.

Sheekada ayaa waxaa bilaabay gabadha ayadoo ka raadisey magaceeda Facebook ka dibna qofka keliya ee ku magaca ah ayaa noqday wiilkaan, waxay dhahday waan ka helay ayadoo fariin u qortay asaguna u soo jawaabay. 8 bilood ka dib ayay is caashaqeen ayagoo ka dibna is guursadey.

Gabadhii nikaaxa kansashay ka dib markii ay Facebook ku aragtay ninkii ay isguursan lahaayeeen oo haweeney kale habsiinaya.

Gabadhaan ayaa seygeeda mustaqbalka ku aragtay Facebook asagoo haweeney kale hab siinaya oo ay u sii dheertay asagoo hawl intaas ka dheer la sameynaya. Intaas ugama aysan harine waxay soo daabacday sawiradii ayadoo ku dhajiyay qeybo ka mid ah magaalada Rome ee talyaaniga.

Waxay tiri “Waan u mahad celinayaa Facebook, Waan qabtay qayaanoole i guursan lahaa” ninkaan ayaa magaciisa lagu sheegay Antonio.

Casriga.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here