migrationsverket

maria-ferm

Dowlada cusub maxay ka badali doontaa arimaha Socdaalka?

Dowlada cusub ee Sweden oo ay si wadajir ah u soo dhisayaan xisbiyada Socialdemokraterna (S) iyo Miljöpartiet (MP) ayaa bilowday in ay soo bandhigto qoryaasheeda cusub. Wargeyska DN ayaa saakay qoray in xulufada dowlada cusub ay isku raaceen in aan waxba laga badalin arimaha socdaalka. Xisbiga MP ayaa ka dhaadhiciyay xisbiga Socialdemorkaterna in ay aqbalaan […]

migrationsverket-somaliska

Sweden faa’iido dhaqaale miyaa ugu jidha qaxootiga?

Shalay waxaa dood xiiso leh ka dhacday idaacada Sweden ka dib markii haweenay cilmi baare ah oo lagu magacaabo Elin Örjasäter oo u dhalatay wadanka Norway ay dhaliishay siyaasada socdaalka ee Sweden, iyadoo ku tilmaamtay mid aysan runta ka sheegin siyaasiyiinta Sweden faa’iidada ay leeyihiin soo galootiga. Waxay sheegtay in siyaasiyiinta Sweden ay sheegaan in qaxootiga ay faa’iido […]

mubarik-abdirahman

Mubarik: Soomaalida waa in baasaboorka lagu siiyaa 5 sano

Mubarik Abdirahman oo ah musharax baarlamaanka oo ka tirsan xisbiga Socialdemokraterna (S) ayaa mowduuc uu ku qoray bogga telefishinka SVT waxa uu ku dhaliilay Laanta Socdaalka (Migrationsverket) sida ay ula dhaqanto dadka Soomaalida iyo Afghanida. Mubarak ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay dhalashada Sweden iyo in ay qeyb ka tahay isdhexgalka marka qofku uu qaato […]

migrationsverket-logo

Maxkamada Socdaalka oo go’aan ka gaadhay arin ku saabsan qoysaska Soomaalida

Maxkamada Sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ayaa soo saartay go’aankii aan mudada ka sugaynay ee ku saabsanaa mideynta qoysaska Soomaalida ee lagu xiray in ay labo sano horay u wada noolaayeen inta aysan imaan Sweden. Hadaba maxkamada ayaa isbuucii hore soo saartay go’aan cad oo ka farxinaya Soomaalida lagu xiray shuruuda labada sano. Maxkamada ayaa go’aankeeda […]

darfur-united

Kooxda kubada cagta Darfur oo Sweden iska dhiibtay

Kooxda kubada cagta Darfur United oo la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen ka dib markii ay ka qeyb galeen ciyaaro lagu qabtay maagalada Östersund ayaa hada iska dhiibay Sweden. Kooxdaan oo markii ay wadanka soo galeen ka koobnayd 13 qof ayaa ka qeyb galay ciyaaraha wadamada aan la aqoonsanayn (ConIFA World Football Cup) […]

migrationsverket-logo

Tirada magangalyo doonka oo cirka isku shareertay iyo Soomaalida oo hoos u dhacday

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa kor u qaaday tirada magangalyo doonka la filayo in ay Sweden iska dhiibaan sanadkaan 2014. Horay ayaa loo saadaalinayay in qiyaastii 61000 qof ay sanadkaan magangalyo ka dalban doonaan Sweden balse tiradaas ayaa hada la siyaadiyay. Qiyaasta cusub ayaa ah in 70-80.000 qof ay Sweden iska dhiibi doonaan sanadkaan, taasoo […]

asyl

Laanta Socdaalka oo samaysay filimaan loogu tala galay magangalyo doonka

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa abuurtay filimaan loogu tala galay magan galyo doonka cusub oo faahfaahinaya sida laysaga dhiibo Sweden.  Filimaanta ayaa ku hadlaya 8 luuqadood. Filimaantaan oo lagu soo daabacay bogga Laanta Socdaalka ayaa sidoo kale laga daawan doonaa xarumaha Laanta Socdaalka. Filimaanta ayaa faahfaahinaya wadada aad marayso marka aad iska dhiibto Sweden, waraysiga […]

migrationsverket1

Laanta Socdaalka oo ka warbixinaysa Soomaalida iyo sababaha ay u yimaadaan Sweden

Barnaamij cusub oo ay bilowday Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa lagu soo bandhigayaa wadamada iska dhiiba Sweden iyo sababaha ka dambeeya in ay halkaan yimaadan. Barnaamijkaan ayaa lagu bilaabay macluumaad dheer oo looga hadlayo Soomaalida iyo sida ay ku yimaadeen Sweden. Macluumaadka ayaa lagu bilaabay taariikh ku saabsan Soomaaliya iyo qilaafaadka ka jira. Waxaa laga […]

afghaner

Afghaanta oo koobkii magangalyo doonka kala wareegtay Soomaalida

Sanadkii la soo dhaafay iyo bilowgii sanadkaan ayaa Soomaalidu waxay ahaayeen dadka ugu badan ee iska dhiiba Sweden balse sida lagu soo bandhigay warbixin cusub oo ay soo saartay Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) hada waxaa goobkii tirada magangalyo doonka la wareegay dadka ka yimaada Afghanistan. Sanadii hore ayaa waxaa magangalyo ka dalbaday Sweden 1905 qof […]

migrationsverket-somaliska

Maxkamada sare ee Socdaalka oo ku celisay muhiimada luuqada

Maxkamada Sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ayaa adkeysay muhiimada ay leedahay baaritaanka lahjada qofka magangalyada dalbanaya. Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay Laanta Socdaalka diidmo siisay nin Soomaali ah oo lagu diiday in uu koonfurta ka soo jeedo lahjadiisa darteed. Ka dibna Maxkamada Socdaalka (Migrationsdomstolen) ayaa arintaas ku qilaaftay Laanta Socdaalka oo sheegtay in […]

mg

Amaan iyo dhaliil loo jeediyay nidaamka magangalyada Sweden

Nidaamka magangalyada looga dalbado Sweden ayaa la sheegay in uu ka midyahay kuwa ugu wanaagsan aduunka. Hay’ada UNHCR oo u kuurgashay go’aamadii ay laanta Socdaalka gaartay labadii sano ee la soo dhaafay ayay ku amaaneen hawshooda balse waxay sheegeen in loo baahanyahay horumar. Laanta Socdaalka ayaa la sheegay in kala bar dadkii iska dhiibay Sweden […]

migrationsverket-

Nin toorey isku galiyay xarunta Laanta Socdaalka

Sida ay soo tabisay Idaacada Radio Sverige nin ayaa shalay toorey isku galiyay xarunta Laanta Socdaalka ee magaalada Lindesberg. Ninka tooreyda is galiyay ayaa la geeyay hospital. Anna Wessel oo ka tirsan shaqaalaha xarunta Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in dadka qaar ay ku adkaado go,aamada adag ee diidmada ah  ee la siiyo. Ma ahan qofkii […]

somaliska-linköping-migrationsverket

Somalida Linköping oo la kulmay Xubno ka tirsan Migrationsverket

Somalida ku noo Gobolka Östergötland gaar ahaan Linköping ayaa la kulmay sadex xibnood oo ka socotay qeebta Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket). Sadexdaan xibnood oo kala ahaa Inger Lagersköm oo ka shaqeneysay Migrationsverket ilaa 1997 iyo Kavin oo ka shaqeneysay 1999 iyo sidoo kale Johan Bjulback oo ka shaqenahay ilaa 2007. sadexdaan xibnood oo aan wax […]

migrationsverket

Laanta Socdaalka oo joojineysa qaadashada lacagta cadaanka

Ka bilaabata 15 Juni ayaa Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) waxay joojineysaa qabashada lacagaha cadaanka ah iyagoo dhamaan xarumahooda dhigi doonaa qalabka lagu isticmaalo kaarka bangiga. Dadka dalbanaya baasaboorka, dhalashada iyo degenaanshaha ayaa laga doonayaa in ay lacagta ku bixiyaan kaar. Dadka aan ku bixin karin kaarka ayaa waxaa la siin doonaa warqad ay lacagta kaga […]

Laanta Socdaalka oo baaritaan ku sameysay xaalada Soomaaliya

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) iyo Xarunta Macluumaadka Wamada Hooyo ee Norway (Landinfo) ayaa baaritaan ku sameeyay xaalada amaanka Soomaaliya. Gudi ka socday labada laamood ayaa safar xaqiiqo raadin ah ku tagay magaalada Nairobi iyagoo wareysi la yeeshay dad ay sheegeen in ay aqoon dheer u leeyihiin xaalada Soomaaliya. Warbixinta ayaa lagu eegay sadex arimood oo […]

Billström muxuu ka yiri go’aankii maxkamada?

Wasiirka Socdaalka Tobias Billström oo ka qeyb galiyay shir ku saabsan armaha Socdaalka iyo isdhexgalka oo ka dhacayay magaalada Halmstad ayaa dhowr su’aalood oo ku saabsan go’aankii maxkamada Socdaalka ay ka soo saartay arimaha Soomaalida waxaa waydiiyay Anders Lindström oo ka tirsan Dalada u dooda mideynta reeraha (Nätverk för rätten till familjeåterförening). Anders ayaa mowduuc […]

Maxkamada Socdaalka oo go’aan soo saartay

Maxkamada sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ayaa go’aan ka soo saartay arimaha Soomaalida maanta oo taariikhdu tahay 12 May 2011. Go’aanka maxkamada  ayaa nuxurkiisa yahay in maxkamadu ay iska fogeysay arinta oo ay culeyska dusha ka saartay dowlada. Go’aanka maxkamada ayaa lagu sheegay in ay ka warqabaan dhibaatada haysata Soomaalida balse aysan maxkamadu koox gooni ah (oo loola […]

Nidaamka Soomaalidu sharciga ku helaan oo la baaray.

Dowlada Sweden ayaa bilihii la soo dhaafay baaritaan ku samaysay nidaamka Soomaalida intooda badan sharciga ku helaan marka ay iska dhiibaan Sweden ee loo yaqaan “synnerligen ömmande omständigheter” ama Qof ay haysato xaalad aad looga tiiraanyoodo. Xaaladaan ayaa lagu sifeeyaa in Soomaaliya ay ka jirto taasoo ay dadka badankooda sharciga ku helaan balse dowlada ayaa dib […]

Ururka ECPAT & Wasiirka Socdaalka Billström

Ururka ECPAT oo ah urur la dagaalama ka ganacsiga caruurta ayaa cambaareeyay Wasiirka Socdaalka Sweden Tobias Billström ka dib markii uu hada ka hor dhowr jeer ku dooday in caruurta iyo waalidiinta Soomaaliyeed ee laysku diiday looga gol’leeyahay sidii looga hortagi lahaa ka ganacsiga caruurta. “Qaabka ugu fiican ee looga hortagi karo ka ganacsiga caruurta waxay […]

Sweden oo Soomaali ka soo qaadeysa Dhadhaab

Gudi ka socda Laanta Socdaalka Sweden (Migratonsverket) ayaa xerada qaxootiga ee Dhadhaab kula kulmay 349 qof oo Soomaali ah kuwaasoo loo diyaarinayo in la keeno Sweden. Sanadkasta ayaa Sweden xeryaha qaxootiga ee ku kala yaal caalamka waxay ka soo qaadataa 1900 qof iyadoo sanadkaan tiradaas inteeda badan loo qorsheeyay Geeska Afrika. “Waloow aanan dabooli karin […]