Home Wararka Caalamka Barashada Luuqada Sweden ee SFI oo la Xadidayo Mudada lagu barto

Barashada Luuqada Sweden ee SFI oo la Xadidayo Mudada lagu barto

0
Photo: Claudio Bresciani/ TT

Wasiirka suuqa shaqada ee dalka Sweden Johan Pehrson ayaa maanta ku dhawaaqay qorshe dowladeed oo dib u habeyn loogu sameynayo manhajka SFI .

Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu ku sheegay in dowladdu ay ku howlan tahay sidii waqti loogu qaban lahaa koorsooyinka luuqadda SFIga, kaddib markii sannadihii u dambeeyay ay korortay koorsooyinka la barto.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay luqadda si ay dad badan ugu soo jiidato suuqa shaqada.

Johan Pehrson ayaa mar kale ka hadlay farqiga “aad u weyn” ee heerka shaqo la’aanta ee u dhexeeya kuwa ku dhashay dibadda iyo kuwa ku dhashay Iswidhan.

Waxa uu sheegay in suuqa shaqada ay ka jiraan shaqooyin aad u fara badan iyo shaqo la’aan baahsan oo ka jirta gobolada dalka Sweden qaarkood.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu tilmaamay kororka digniinta shaqada ee dhawaanahan, inkastoo “aysan arkin koror weyn,” isagoo xusay in hoos u dhaca dhaqaalaha uu saameyn ku yeelan doono shaqada iyo shaqo la’aanta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here