Swedishka oo ogaaday in Afrikaanka keliya aysan gabdhaha gudin

1

Gudi ay dowlada Sweden u xilsaartay in ay warbixin ka keenaan tirada gabdhaha la guday ee ku nool Sweden ayaa shaaciyay in ay ogaadeen in jinsiyadaha gabdhaha la guday ay ka badantahay midii horay loo aaminsanaa. Guud ahaan 42 000 oo gabdhood oo nool Sweden ayaa gudniinka lagu sameeyay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in 47% ka mid ah gabdhaha ka soo jeeda wadamada Iraq, Iran iyo gobolka Kurdistan ay gudanyihiin. Gudiga ayaa sheegay in taasi ay tahay mid aan horey loo filayn. Swedishka ayaa u muuqda kuwo aaminsanaa in wadamadaas aan gudniinka laga samayn balse hada ayay ku soo baraarugeen arintaan.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in waalidiin badan oo ka soo jeeda wadamada kor lagu xusay ay gabdhahooda soo gudaan inta aysan Sweden magangalyo ka dalban.

Gudniinka gabdhaha ayaa Sweden dambi ka ah ilaa sanadkii 1982. Balse ilaa iyo hada 2 qof oo keliya ayaa maxkamad lagu saaray dambiga gudniinka gabdhaha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here