Swedishka oo ka xumaaday sharciga qaniisiinta Uganda

10

Ka dib markii uu madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni  saxiixay sharci adag oo qaniisnimada ka dhigaya mid lagu mutaysanyo xabsi daa’in ayaa waxaa cambaareeyay wadamo badan oo reer galbeed ah. Qaasatan Sweden ayaa cambaareysay sharcigaas iyadoo shalay guud ahaan warbaahinta Sweden ay hadal hayeen.

Wasiirka arimaha dibada Sweden Carl Bildt ayaa sheegay in ay tahay arin aad looga xumaado in madaxweynaha Uganda uu saxiixay sharcigaas, isagoo ku tilmaamay mid ka soo horjeeda xuquuqda aadamaha. Musevani ayaa sheegay in reer galbeedka wax kasta oo ay isku qabsadaan aysan dib uga noqon doonin arinta qaniisiinta.

Sweden ayaa ah wadanka ugu xoriyada badan xaga qaniisiinta, iyadoo wadankaan ay qaniisiintu leeyihiin xuquuqda dadka kale, oo xitaa ay isku guursadaan kaniisadaha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here