Sweden oo qaxooti fara badan qaabishay sanadkii tagay

11

Sweden ayaa sanadkii 2013 waxay qaabishay qaxooti aad u fara badan, iyadoo noqotay wadanka ugu qaabilaada badan ee qaarada Yurub. Sanadkii tagay ayaa Sweden waxay sharciga siisay 24 015 qof oo inta badan ka soo jeeda wadanka Syria iyo Eritrea halka diidmo al siiyay 20 990 qof.

Marka lala barbar dhigo wadamada kale ee Yurub ayaa Sweden waxay noqotay wadanka ugu gacanta furan ee qaabilaada ugu badan siiya qaxootiga. Wadamada kale ee Yurub ayaa qiyaastii 34% qaabilay dadka iska dhiibay halka Sweden ay qaabishay 53%. Sweden ayaa sidoo kale noqotay wadanka ugu qaabilaada badan marka la eego tirada shacabka wadanka ku nool. Laakiin guud ahaan wadanka Germany ayaa tirada ugu badan ee qaxootiga iska dhiibeen sanadkii tagay iyadoo ay soo raacday France.

Guud ahaan qaarada Yurub ayaa sanadkii 2014 waxaa iska dhiibay dad ku dhow nus malyan (435,000) oo inta badan ka soo cararay dagaalada Syria. Sweden ayaa sanadkii tagay albaabada u furtay soo dhaweynta magangalyo doonka Syria iyadoo noqotay wadanka keliya ee siiya deganaansho aan ku meel gaar ahayn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here