Sweden oo noqotay wadanka sadexaad ee ugu maciishad qaalisan Europe.

7

Qiimayn ay siwada jir ah u sameeyeen hey’ad la yiraahdo Eurostat iyo Statistiska centralbyrån oo ah hey’ad qiimaynta u qaabilsan Sweden ayaa muujinaysa in ay Sweden tahay wadanka sedexaad ee ugu cunada qaalisan wadamada Europe.

Sweden ayaa ka maciishad qaalisan  wadamada kale ee Europe isku cel-celis 20% marka laga reebo Norway oo ugu cuno qaalisan Europe oo dhan iyo Denmark oo kaalinta labaad ku jirta. “Taas  macnaheedu wuxuu yahay  in bacdii cuno ah oo wadamada kale ee Europe-ta ka joogta 100 kronor ($15)  ay sweden ka joogto  120 kronor ”  sidaa waxaa qoraalkeeda ku tiri hay’ada qiimeynta u qaabilsan Sweden.

Qiimaha qudaarta noocyadeeda kala duwan iyo baradhada  looga iibsado dukaamada Sweden iyo qiimaha kuwa Norway looga heli karo wax farqi ah oo sidaas u weyn uma dhexeeyo sida qiimayntani muujinayso. Dadka dukaamada Sweden cunada ka gata waxay qiimo aan qaali ahayn  ku helaan caanaha,malayga, ukunta iyo farmaajada .

Europe oo dhan waxaa ugu cuno raqiisan Bulgaria,Romania iyo Poland waxayna Europe-ta kale ka cuno raqiisan yihiin isku cel-celis 30%  wadamada kale ee EU-da.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here