Home News in English Sweden Migrationsverket oo Joojisay 6 Sano jir Hooyadiisa dhimatay oo dib loogu...

Sweden Migrationsverket oo Joojisay 6 Sano jir Hooyadiisa dhimatay oo dib loogu celin lahaa Dalkiisa.

0

Hay.ada Laanta Socdaalka Sweden ee migrationsverket ayaa go.an ku gaartay in ay joojiso isla markana dib u dhigtay qorsho lagu celin lahaa wiil 6 sano jir ah.

Denis oo kasoo jeeda Dalka Ukraine iyo Hooyadiisa ayaa Sweden iska dhiibay Sanadkii 2015 markaasi oo qaab magangalyo ah ku soo gaareen Dalka.

Ga.an kasoo baxay laanta socdaalka Migrationsverket ayaa diidmo lagu siiyay labadooda sanadkii 2016 iyagoo markale diidmo ka helay maxkamada sare kadib codsi ay ka qaateen diidmada la siiyay.

Denis Hooyadiis ayaa dhimatay Bishii March ee Sanadkan 2018 iyadoo ku dhimatay magaalada Södertälje lakin Denis ayaa helay nolol feecan kadib markii uu la noolaa Awoowihiis.

Madaxa Laanta Socdaalka Per Ek ayaa warbaahinta u sheegtay in la joojiyay kiiska celinta Denis isla markana lagu badalay baaritaan la xiriira go.ankiisa.

Sababaha loo hakiyay celintiisa waxaa kamid ah madama uusan heysan Qoys uu kula noolaado Dalka Ukraine lakin taasi badalkeeda ayuu rajeynayaa in uu Awowgiisa kula noolaado Magaalada Upsala oo hada wadajoogaan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here