Sweden faa’iido dhaqaale miyaa ugu jidha qaxootiga?

18

Shalay waxaa dood xiiso leh ka dhacday idaacada Sweden ka dib markii haweenay cilmi baare ah oo lagu magacaabo Elin Örjasäter oo u dhalatay wadanka Norway ay dhaliishay siyaasada socdaalka ee Sweden, iyadoo ku tilmaamtay mid aysan runta ka sheegin siyaasiyiinta Sweden faa’iidada ay leeyihiin soo galootiga.

Waxay sheegtay in siyaasiyiinta Sweden ay sheegaan in qaxootiga ay faa’iido dhaqaale u leeyihiin Sweden balse quburada dhaqaalaha aysan taasi la qabin. Waxay intaas ku dartay in Sweden aysan aqoon fiican ula hayn dadka iska dhiibaya wadankooda isla markaana aysan runta ka sheegin qarashka ku baxaya qaxootiga.

Dooda oo ka dhacday Studio Ett ayaa lagu wareystay mid ka mid ah quburada dhaqaalaha Sweden ugu caansan oo lagu magacaabo Jan Ekberg isagoo sheegay in aysan faa’iido dhaqaale ugu jirin Sweden qaxootiga balse sababo kale ay dowlada Sweden u qaabisho qaxootiga, sida bani’aadanimada. Sidoo kale waxaa dooda ka qeyb galay Fredrik Federley oo ka mid ah xildhibaanada Sweden u fadhiya baarlamaanka Yurub isagoo sheegay in uu ku faraxsanyahay in Sweden aysan eegin dhaqaalaha keliya balse muhiimada ay siiso caawimaada dadka dhibaataysan.

Siyaasada soo galootiga ee Sweden ayaa ah mid si weyn uga duwan wadamada dariska ah ee Norway, Finland iyo Denmark, iyadoo Sweden ay qaabisho sadex jibaar ka badan qaxootia ay qaabilaan wadamadaas.

Inkastoo dowlada Sweden uu dhaqaale badan uga baxo soo galootiga, ayaa hadana waxay ka midyihiin shacabka wadanka, iyagoo faa’iido dhaqaale soo geliya wadanka balse waxaan la hubin farqiga  u dhexeeya qarashka ku baxa soo galootiga iyo faa’iidada dhaqaalaha ay soo xareeyaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here