Home Wararka Maanta Sverigedemokraterna Waalidka oo la siinayo 20,000 kun oo Kronor Cunugooda ugu horeeya..

Sverigedemokraterna Waalidka oo la siinayo 20,000 kun oo Kronor Cunugooda ugu horeeya..

0

Waxa sii socda Balad qaadyada xisbiyada Dalka ay u jeediyaan bulshada taasi oo ku aadan doorashada dhawaan dhaceysa.

Xisbiga Sverigedemokraterna ee Cunsuriga ayaa soo bandhigay maanta hindise ama Sharci soo jeedin ku aadan lacag loogu tala galay waalidka u dhasha cunugooda ugu horeeya.

Afayeenka  Xisbiga ee dhanka siyaasada Qoyska Julia Kronlid ayaa sheegay in Familka ay helidoonaan 20,000 kun oo kronor cunugooda ugu horeeya.

” Waxay u baahinyihiin Sariir Waxay u baahanyihiin oo kale kursiga gaari iyo waliba badbaado dheeraad ah cunuga markaasi dhasha” Julia Kronlid ayaa sidaasi warbaahinta u sheegtay.

lacagtan ayuu xisbiga ku sheegay in ay tahay mid dhiiro galin u ah Caruurta isla markana lagu dhisayo niyada Qoysaska caruurta heesta.

Tusaale ahaan waxaa familka heesta labo caruur loogu kordhin doonaa 150 kronor bishii halka kuwa heesta Shanta Caruur helidoonaan 2,990 kun oo kronor .

Xisbiga ayaa intaasi ku daray in qorshahan lagu maalgalindoono ilaa one billion kronor sanadkii.

dhanka kale xisbiga ayaa doonaya in uu dhimo lacagta deeqaha ee caruunta kuwaasi oo tiro badan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here