Sverige Radio qeybta Af-Soomaaliga oo la dacweeyay

16

Idaacada Sveriges Radio ayaa waxaa lagu dacweeyay booliiska ka dib markii barnaamij ka baxay qeybta afka Soomaaliga uu imaam sheegay in Muslimiintu ay dilaan kuwa ka baxa diinta. Dacwadaan ayaa waxaa gudbiyay nin lagu magacaabo Erik Johansson kaasoo sheegay in uu go’aansaday in uu dacweeyo idaacada ka dib markii asxaabtiisa u sheegeen warka ka baxay idaacada.

“Waxaa i soo wacay qaar ka mid ah asxaabteyda oo Soomaali ah kuwaasoo ii sharaxay hadalka ka baxay idaacada. Anigu Af-Soomaali ma aqaan balse markii ay ii sharaxeen ayaan dareemay in aysan tani ahayn hadal ka bixi kara idaacada SR” ayuu yiri ninkaas.

Ninkaan ayaa sidoo kale la xiriiray idaacada isaga oo ka careysan in hadalkii wadaadka aan boggooda laga saarin mudo 2 isbuuc ah. Waxyar ka dib markii uu wacay ayaa bogga laga saaray barnaamijkii.

Madaxa qeybaha luuqadaha ajanabiga ee idaacada SR Ingemar Löfgren ayaa wargeyska Dagen ee Kiristaanku leeyihiin u sheegay in uu go’aansaday in warkaas meesha laga saaro ilaa loo soo bandhigayo turjumaad.

“Haddii imaam uu sheegay in Muslimiintu dilaan kuwa diinta ka baxay, waxaa na saaran waajib saxaafadeed in aan hadalka ku celino. Haddii aan taasi dhicin waxaa jira fashil” ayuu yiri Ingemar Löfgren.

Arintaan ayaa la xiriirta ka dib markii ay idaacada SR qeybta afka Soomaaliga qabteen dood ku saabsan ragg diinta Islaamka ka baxay oo Ramadaankii buuq ka dhaliyay xaafada Rinkeby ee Stockholm.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here