Home Wararka Maanta Stefan Löfven oo sheegay in uu diyaar u yahay tanaasul badan oo...

Stefan Löfven oo sheegay in uu diyaar u yahay tanaasul badan oo dowlada ah.

0

Stefan Löfven ayaa sheegay in isaga iyo xisbiga Centerpartiet shantii maalmood ee ugu danbeeyey habeen iyo maalin ku howlanaayeen sidii loo heli lahaa wada shaqeyn, balse uu ka xunyahay iney taa hirgeli weyday.

Hogaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna Stefan Löfven ayaa isaguna kulan saxaafad ku sheegay inuu xisbigiisu diyaar u yahay tanaasul.

– Waxan taageero ka helay xisbiyo kala duwan lakin Xisbiga Center-ka ayaa go’aan ku gaaray diidmo, waanan xushmeynayaa arintaa. Waa go’aan dimuqraadi ah. Sidaa darteed waa in boroseesku uu u socdaa si kale.

isbuucii tegay waxa wadahadal xooggan qaatay xisbiyada bartmaha iyadoo ay Centerpartiet iyo Socialdemokraterna ku guuleysteen isu soo dhowaasho ku saabsan arimo dhowr ah. Löfven ayaa sheegay waxa haray inay yihiin in wadahadalka laga soo dhaadhiciyo xisbiyada.

Annie Lööf ayaa sheegtay inuu xisbiga Socialdemokraterna la yimid qoraalo qurux badan balse uu mugdi ku jiri halka Stefan Löfven isaguna sheegay inaanu ku raacsaneyn aragtidaa ay qabto Annie Lööf.

– Socialdemokraterna ayaa sameeyey tanaasul cad oo weyn tusaale ahaan dhanka canshuuraha, suuqa shaqada iyo kan degaanka, ayuu yiri Stefan Löfven.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here