Stefan Löfven: Israel xaq ayay u leedahay in ay isdifaacdo

9

Gudoomiyaha xisbga Socialdemokraterna (S) oo ay sida weyn u taageeraan Soomaalida iyo Muslimiinta ku dhaqan Sweden ayaa eeda xasuuqa ka socda Gaza dusha ka saaray ururka Hamas. Fariin uu ku qoray boggiisa Facebook ayuu Stefan Löfven sheegay in Israel ay xaq u leedahay in ay isdifaacdo.

Löfven ayaa Facebook ku qoray “Hada waxaa dhintay boqolaal falastiin ah, 700 madfac ayaa lagu tuuray Israel. Hamas ayay saarantahay masuuliyada in ay joojiyaan tuurida madaafiicda. Xaalada kacsan ka dib afduubkii dhalinyarada reer Israel waa in la joojiyaa. Israel waa in ay xushmaysaa sharciga caalamiga ah laakiin xaq ayay u leedahay in ay isdifaacdo. Waa arin laga xumaado in xaaladu ay sii kacayso. shacabka ayaa dhibaataysan. Dilka, kumaysiga iyo dagaalka waa in la joojiyaa. Qaybaha kala duwan ayaa masuuliyada iska leh” 

Arinta cajiibka ayaa ah in Löfven uu ku hadlayo sida afka Maraykanka isagoo halkii uu ka cambaareyn lahaa xasuuqa Falastiiniyiinta eeda dusha ka saaray iyaga, oo lagu garaacayo madaafiicda. In Hamas ay aduubatay 3-da dhalinyarada Israel ee maydkooda laga helay Daanta galbeed ayaan ahayn xitaa mid la cadeeyay.

Mubarak Abdirahman oo ka mid ah xildhibaanada Soomaalida ee xisbiga mubarikSocialdemokraterna ugu sharaxan doorashada baarlamaanka Sweden oo aan waydiiyay in uu jawaab ka bixiyo hadalka gudoomiyaha xisbigiisa ayaa hadalka ku soo koobay in ay “nacasnimo” tahay. Isagoo sheegay in Israel keliya ay leedahay masuuliyada. Isagoo intaas ku daray in siyaasada xisbiga Socialdemokraterna (S) ay tahay mid iska cad oo aan ku dhisnayn fariin lagu qoray Facebook.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here