Soomaalidii ugu horeysay oo xubin ka noqotay xisbiga cunsuriga SD

5

Wararka naga soo gaaraya magaalada Göteborg ayaa sheegaya in xubintii ugu horeysay ee Soomaali ah ay ku biirtay xisbiga SD (Sverigedemokraterna). Ninka lagu magacaabo Jörgen Fogelklou oo ka tirsan maamulka SD ee magaalada Göteborg ayaa bogga Twitter ku qoray in ay xisbigooda ku soo biirtay haweeney Soomaali ah. Magaca haweeneydaan ayaan la shaacin.

Xisbiga SD ayaa lagu yaqaaanaa in ay yihiin kuwo aad u neceb Soomaalida iyo guud ahaan Muslimiinta. Qofka ku biiray ayaa la dhihi karaa waa mid aan la socon xaqiiqada SD ama ka dooratay sharafteeda in idaacadaha laga sheego iyo xoogaa dhaqaale.

Waxaa sidoo kale macquul ah in haweeneyda ku biirtay Sverigedemokraterna (SD) ay ku qaladay xisbiga Socialdemokraterna (S). arintaas ayaa macquul ah maadaama afti ururin aan dhowr jeer ka sameeyay Somaliska.com ay soo bandhigtay in 8% Soomaalida ku nool Sweden ay u codaynayaan xisbiga SD taasoo ah tiro aad u badan, ayna u badantahay in ay ku qaldayaan xisbiga S.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here