Soomaalida Borlänge oo duurka lagu jarayo

10

Ku dhawaad 20 Soomaali ah oo ku nool magaalada Borlänge ee gobolka Dalarna ayaa fursad u helay in ay ka shaqeeyaan duurka Dalarna ayagoo u shaqeyn doona Laanta Qaabilsan Duurka. Soomaalidaan ayaa la siiyay tababar la xiriira amaankooda iyo sidii ay u isticmaali lahaayeen qalabka kala duwan ee loo baahanyahay.

Dadkaan shaqakada ka helay Borlänge ayaa waxaa u badan rag ayadoo ay ku jirto haweeney Soomaaliyeed. Khadijo Salaad oo ka tirsan dadka ka shaqeyn doona duurka ayaa ku tilmaantay in ay noqon doonto mid xiiso leh.

“Dad badan ayaa Soomaalida ka aaminsan in aan jecelnahay in aan iska fadhino oo ceyr qaadano, mashruucaan waxa uu fursad noo siinayaa in aan badalno sawirkaas qaldan” ayuu Maxamud Xirsi oo ka tirsan dadka shaqada helay u sheegay Wargeyska Dala-Demokraten.

Waqtiga xagaaga ayaa ah waqti ay dad badani ka faaideystaan shaqooyinka ka banaan duurka iyo jarida cowska ayadoo aan shaqadaan la qaban xiliga qaboobaha.

“Waa in aad isticmaashaan qalabka amaanka, xitaa haddii ay aad u kulushahay cimilada” ayuu yiri Kent Persson oo tababarka amaanka bixinayay.

 Mashruucaan ayaa waxaa ka shaqeyn doona 50 qof ayadoo ay soo dalbadeen 100 qof, ka dib wareysi ayaa la doortay 50 ay 20 tahay soo galooti. 19 Soomaali ah iyo 1  Ciraaqi ah.

Dala-Demokraten

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here