Soomaali xisbi siyaasadeed ka aasaastay Sweden

3

Dumar Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Eskilstuna ayaa sheegay in ay dhisteen xisbi siyaadeed u tartami doona golaha deegaanka ee magaalada Eskilstuna doorashada dhacaysa axada nagu soo aadan.

Xisbigaan oo loogu magacdaray Eskilstuna Parti ayaa ogolaansho ka helay Hay’ada maamulka doorashada ee Valmyndighet iyagoo ka qeyb qaadan doona doorashada. Dumarka dhisay xisbigaan ayaa sheegay in ay uu aasaaseen in uu ka shaqeeyo danaha Soomaalida, sida guryaha iyo waxbarashada.

Kaafi Hassan Elmi oo kaalinta koowaad kaga jidha musharaxiinta xisbiga, oo idaacada Sweden la hadashay ayaa tiri ” Guriyaha aad iyo aad ayey ciriir noogu yahiin oo baahi badan baan u qabnaa. Waxbarashada sidoo kaleeto, ilmahii iyaga oo cabaadaya ayey kuu imaanayaan oo waxay ku leeyahiin “maanta dhan waxbaa naloo qorayey wax aan ka fahanayna ma lahan”. Ilamaha hal mar keliya waxii ma wado qaadan karaan, waqti ayey u baahan yahiin waqtigiina waa loo dedejinayaa oo da’dooda ayaa loo xisaabinayaa, mar dhibaatadaas ayaa keeneysa in aan arrimahan ka hadalno”. 

Dhamaan musharaxiinta xisbigaan oo gaaraya 15 xubnood ayaa Soomaali ah, iyagoo filaya in ay cododka ka helaan Soomaalida kale iyo dadka ku fikirka ah. Magaalada Eskilstuna ayaa waxaa ku nool Soomaali fara badan oo u badan dad cusub oo wadanka yimid shantii sano ee la soo dhaafay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here