Soomaali kufsi lagu eedeeyay oo rabshad ka dhaliyay maxkamada

10

Wiil Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu ka qeyb qaatay kufsiga gabaryar ayaa buuq iyo qeylo dhaan ka dhaliyay maxkamad ku taala magaalada Borlänge ka dib markii uu si xoogan u diiday dambiga lagu soo oogay.

Wiilkaan oo da’diisa lagu sheegay 16 sano jir ayaa la sheegay in uu ka qeyb qaatay isaga iyo wiil 21 sano jir ah oo Swedish ah kufsi habeenkii Axada loo geystay gabadh yar oo 13 sano jir ah. Labada wiil ayaa la soo xiray iyadoo kan Soomaaliga ah maxkamada la horkeenay si wax looga waydiiyo dambiga lagu soo oogay.

Markii la horkeenay xaakimka ayaa la sheegay wiilkaan in uu rabshad dhaliyay isaga oo hadalo aflagaado iyo hanjabaad isugu jira ku tuuray xaakimka maxkamada. Arinta ayaa markii dambe gaartay in boolisku ay la taacaalaan wiilka. Dabeecada wiilkaan ayaa la sheegay in ay keentay in dib loo dhigo kiiskiisa.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here