Casharkaan waxaan ku eegeynaa ku socoshada wadooyinka baadiyaha iyo waxyaabaha ay kaga duwan tahay magaalooyinka.
Wadooyinka baadiyaha sida caadiga ah xawaaraha baabuurtu ay ku socdaan waa mid sare marka loo barbar dhigo magaalooyinka. Wadooyinku waa kuwo toosan sidaa darteed waxa ugu muhiimsan ee quseeya wadada baadiyaha waa masaafada aad u jirsaneyso baabuurta kale iyo in aad feejigantahay markasta.
Marka aad u leexaneyso midig (Högersväng)
Waxaa lagaa doonayaa in aad waqti hore la soo baxdo signalka oo aad si degan xawaaraha
hoos ugu dhigto. Haddii aragu wanaagsan yahay waxaad sameyn kartaa in aad ku socoto marshabiyeediga ka hor inta aadan leexan si aad ugu fududeyso baabuur kale in ay ku baasaan.
Marka aad u leexaneyso bidix (Vänstersväng)
Leexashada bidixda ayaa ah mida ugu qatarta badan guud ahaan waxyaabaha la sameeyo maadaama xawaaraha uu aad u sareeyo goobaha laga leexdana aysan amaankooda wanaagsaneyn.
Sida loo sameeyo leexashada bidixda, qatartana loo yareeyo
- Iska eeg baabuurta kale: Haddii wadadu saxmad tahay qaabka ugu wanaagsan ee qatar looga fogaan karo waa in aadan bidix u leexan balse aad hore u socoto oo aad ka soo kala jiireyso goobaha loogu tala galay. Haddii wadadu aysan saxmad ahayn, akhri qeybta xigta.
- Signalka iyo boosqaadashada: Waa in aad signalka waqti hore la soo baxdaa, oo aad sida ugu wanaagsan ugu dhawaataa xariiqinta kala barta wadada. Taasi waxay wadayaasha kale u muujineysaa in aad dooneysid in aad leexato. Haddii aadan si fiican ugu dhawaan xariiqinta wadayaasha kaa dambeeya ayaa laga yaabaa in aysan dareemin in aad leexaneyso oo ay bilaabaan in ay ku baasaan adiga oo leexan raba.
- Iska ilaali in aad istaagto: Xawaarahaaga waa in aad si haboon u soo habeysaa si aad uga fogaato in aad istaagto oo aad sugto in ay gudbaan baabuurta ku socota dhinaca kale ee wadada. Haddii ay dhacdo in aad istaagto waa in aadan taayirada hore u leexin dhinaca bidix si uusan baabuurta wadada kale u galin haddii gadaal lagaaga dhaco.
- Xooga saar leexashada: Marka aad leexaneyso waa in aad indhaha ku haysaa baabuurta ka soo socota jihada kale. Waa in aad isticmaashaa geer sax ah. Isitcmaal geerka 1-aad oo si fiican u sheelaree baabuurta ilaa aad ka baxdo wadada. In baabuurku kaaga damo halka laga leexanayo waa mid qatar weyn ah.
Si looga maarmo leexashada bidixda ee qatarta ah ayaa wadooyin badan waxaa laga dhisayaa goobaha loo yaqaan (Spansk sväng) oo aad marka hore midig u leexaneyso ka dibna aad wadada goyneyso halkii aad bidix u leexan lahayd.
Ka fagoow masaafada saxda ah
In baabuurtu ay masaafo gaaban isku soo dhawaadaan waa mid wax badan ka dhacda
wadooyinka baadiyaha. Waxaad raaci kartaa tilmaamaha hoose si aad ugu socoto masaafo sax ah.
- Sharciga sadexda ilbiriqsi (Tresekundersregeln): Waxaad xisaabiyaa marka baabuurka kaa horeeya uu marayo goob calaamad ah. Marka aad adiga calaamadaas gaarto jooji xisaabinta, haddii ay sadex sakan ka yareyd inta aad u socotay calaamada. Masaafada aad u jirto baabuurka waa gaaban tahay.
- Tiirarka wadada (Kantreflexstolparna): Masaafada u dhaxeysa tiirarka ka suran wadada geeskeeda waa 50m ama 100m. Waa in aad baabuurka kaa horeeya u jirsadaa ilaa 3 tiir.
- Km/h oo mitir loo badalo: Tani waa in aad xawaaraha aad ku socoto u badasho mitir oo aad u jirsato inta xawaarahaaga yahay baabuurka kaa horeeya. Tusaale ahaan, haddii aad ku socoto 90km/h waxaad u jirsaneysaa baabuurka kaa horeeya 90m.
Haddii baabuurka kaa dambeeysa saaid kuugu soo dhawaado
Wadayaasha saaidka gadaal kaaga soo dhawaada waxay abuuri karaan xaalad kacsan oo qatar ah. Waxaad sameyn kartaa in aadan hore u cararin oo aad masaafo wanaagsan siiso baabuurka kaa horeeya. taasi waxay ka hortageysaa in aad xoog bareega u qabato haddii baabuurka kaa horeeya uu si lama filaan ah u gaabiyo. Waxaad kale oo sameyn kartaa in aad baakin ku leexado , oo aad sugto inta uu ku dhaafayo baabuurka kaa dambeeya.
Goobaha kulanka (mötesplats)
Goobaha kulanka waa halka ay labo baabuur ku kulmaan wadooyinka ciriiriga ah. Sharciga

Mötesplats
aasaasiga ah waa in aad ku socoto sida ugu dhow dhinaca midig. Qofka ku soo hormara goobta kulanka waa in uu istaagaa iyadoon la eegeyn dhinaca ay ku taalo goobta kulanka. Haddii caqabad ay ku taalo wadada, qofka dhinaciisa ay caqabada xigto ayaa istaagaya oo sugaya.
Dhismayaasha wadada
Marka aad ku soo dhawaado goobaha ay wadada uga socdaan dhismaha waa in aad..
- Xawaare hoose ku socotaa. Dadka wadada ka shaqeynaya waa in aad u ogolaataa in ay
shaqadooda gutaan. Waxyar oo qalad ah ayaa abuuri kara qatar weyn.
- Calaamadaha ku meel gaarka ah ee kalarkooda jaalaha yahay ayaa muhiimada ka leh kuwa kale ee caadiga ah. Waa in aad raacdaa tilmaamaha calaamadaha jaalaha ah.
- Xaalada wadadu ay noqon karto mid liidata
- Calaamadaha wadada oo laga yaabo in ay maqanyihiin
- Wadada oo ciriiri ah
- jiirooyinka aad u qaloocan
- Xawaaraha yareysaa
- Masaafo fiican aad ka fogaataa dhinaca ay marayaan.
- Hoonka aadan isticmaalin
- Aadan waxba ku darsan
- Si degan baabuurka u sheelaree marka aad dhaafto (dhawaqa baabuurka ayaa cabsi galin kara fardaha)

asc waa idin salaamay marka hore waxaan rabay inaan idin weydiiyo ma koobiyeysa karaa casharada sabab jirta oo ah in kombuterkeygii uu iga halaabay marka waxaan rabaa inaan koobiyeesto casharada mahadsanidiin
Casharada oo dhan in la koobiyeeyo waa mamnuuc. Balse haddii kombutarka kaa halaabay hal ama labo cashar email waan kuugu soo diri karaa. Dhinaca kale, casharada kuma dhaafayaan xitaa haddii kombutar kaa halaabay oo markii aad soo sameysato ayaad dib ugu laaban kartaa dhamaan casharadii hore.