Casharkaan waxaan ku qaadaneynaa macluumaad la xiriira rarka baabuurka sida culeyska la ogolyahay iyo tareelaha.
Rarka saxda ah
Sadexda qodob ee hoose ayaa muhiim ah marka aad rareyso baabuurka
- Waa in aad xirtaa rarka (Säkra lasten) adiga oo isticmaalaya xargaha ama suumanka. Xamuulka oo aan la xirin waxa uu abuuri karaa qatar marka aad bareeg xoog leh qabato.
- Xamuulka waa in aad dhigtaa geeska ugu dambeeya ee gadaal (Placera lasten långt fram). Waa in aad kursiga dambe ku soo qabataa.
- Xamuulka culus waa in aad hoos dhigtaa (Placera tyngsta lasten lågt).
Muhiimadu waa in marka aad bareeg qabato uusan dhaqaaqin xamuulka oo uusan dhalin qatar shil.
Eray bixin la xiriirta culeyska (Viktbegrepp)
- Tjänstevikt – Waa baabuurka oo aan rarneyn balse qalabeysan oo uu ku jiro darawalka.
- Maxlast – Waa culeyska ugu badan ee la ogolyahay in baabuurka la saaro oo ku qoran warqada diiwaan galinta.
- Totalvikt: Waa isku darka Tjänstevikt + Maxlast.
- Bruttovikt – Waa culeyska waqti gooni ah.
Tareelaha fudud (Lätt släpvagn)
Laysanka B waxaa la ogolyahay in aad ku wado tareele fudud oo keliya. Culeyska nuuca tareelaha fudud waxa uu ku xiranyahay baabuurka jiidaya. Macnaheeda waa in aadan jiidi karin waxkata oo tareele ah waxa muhiimka ah waa culeyska.
Maxaa la dhahaa tareele fudud?
- Dhamaan tareelayaasha uu culeyskooda guud ugu badnaan yahay 750kg.
- Dhamaan tareelayaasha uusan culeyskooda guud uusan ka badneyn culeyska baabuurka ee aan rarneyn isla markaana guud ahaan culeyska baabuurka iyo tareelaha uusan ka badneyn 3.5 ton.
Waxaa muhiim ah in aad u fiirsato qodobka hore, haddii baabuurka culeykiisa uu yahay 3.5 ton balse culeyska tareelaha uu yahay 750kg, macnaheeda taas waa la ogolyahay balse waxaan la ogoleyn haddii tareelaha culeykiisa uu ka badanyahay culeyska baabuurak oo aan rarneyn isla markaana labada culeys ay ka badanayaan 3.5 ton.

Tjänstevikt: 1 400 kg Tjänstevikt: 480 kg
Totalvikt: 1 900 kg Totalvikt: 600 kg
Culeyska tareelaha waa uu ka hooseeya 750kg sidaa darteed waxaa loo xisaabinayaa tareele fudud. Culeyska baabuurka muhiim ma ahan.
Tjänstevikt: 1 500 kg Tjänstevikt: 800 kg
Totalvikt: 2 100 kg Totalvikt: 1 400 kg
Tusaalahaan waxaa loo baahanyahay in aad xisaabin sameyso. Tareelaha culeyskiisa waa ka badanyahay 750kg balse culeykiisa guud kama badna culeyska baabuurka oo aan rarneyn, marka laysku daro culeyska guud ee baabuurka iyo tareelahana kama badna 3.5 ton sidaa darteed waa la ogolyahay.
Tjänstevikt: 1 450 kg Tjänstevikt: 900 kg
Totalvikt: 1 700 kg Totalvikt: 1 600 kg
Tusaalaha sare xisaabin ayaa loo baahanyahay. Culeyska tareelaha waa ka badanyahay 750kg isla markaana waa ka badanyahay culeyska baabuurka oo aan rarneyn. sidaa darteed lama dhihi karo waa tareele fudud.
Baabuurku tareelaha ma jiidi karaa ( Får bilen dra släpvagnen)?
Si aad uga jawaabto suaashaas si sax ah waa in aad sameysaa xisaabin isla markaana aad eegtaa warqada diiwaan galinta baabuurka (registreringsbevis).

Baabuurka warqadaan iska leh waxa uu jiidi karaa tareele culeyskiisa guud yahay 1500kg. Balse sida ku cad meesha ay ku qorantahay 0.3 qofka laysanka B wata waxa uu jiidi karaa tareele culeyskiisa guud yahay 1440kg.
Cadaadiska birta xiriirka (Kultryck)
Kultryck waa culeyska birta isku xiriirineysa baabuurka iyo tareelaha. Sida caadiga ah waa 30-100kg.
Haddii tareelaha uu ka raranyahay afka hore taasi waxay keeni kartaa cadaadis culus oo saarma birta xiriirka taasina waxay keeni kartaa in taayirada hore ee baabuurka aysan dhulka si fiican u qabsan isla markaana nalka baabuurku uu wadayaasha kale cawiro.
Haddii tareelaha uu ka raranyahay gadaal waxay keeni kartaa in taayirada dambe ee baabuurka aysan si fiican dhulka u qaban taasoo keeni karta in baabuurka wadada laga mamnuuco (körförbud).
Sharciyada bareega tareelaha
- Tareelaha culeyskiisa uu ka badanyahay 750kg waa in uu leeyahay bareeg (Färdbroms).
- Tareelaha culeyskiisa uu ka badanyahay 400kg marka uusan rarneyn waa in uu leeyahay bareega gacanta (Parkeringsbroms).
Calaamadaha gaadiidka culus iyo tareelayaasha culus
Calaamada gaadiidka culus ( tunga lastbilar)

Calaamada tareelaha ka culus 3.5ton (Reflex på släp med totalvikt över 3,5 ton)
Casharkeena intaas ayuu ku egyahay.



No comments yet.