Sida loo kala helay kuraasta baarlamaanka & Socialdemokraterna oo la wareegaya hogaanka Sweden

5

Ka dib markii la tiriyay cododka doorashada Sweden isla markaana uu iscasilay raysal wasaare Fredrik Reinfeldt ayaa waxaa cadaatay in xisbiga Socialdemokraterna (S) ay dib ula wareegi doonana hogaanka wadanka 8 sano ka dib. Gudoomiyaha xisbiga Stefan Löfven ayaa ku dhawaaqay in uu soo dhisi doono dowlad wax qabad leh oo ay shirko ku yihiin xisbiga Miljöpartiet (MP).

Kuraasta baarlamaanka ayaa loo kala qeybsan doonaa sidaan.

Moderaterna (M) 84 iyagoo doorashadii 2010 helay 107

Centerpartiet  (C) 22 iyagoo doorashadii 2010 helay 23

Folkpartiet  (FP) 19 iyagoo doorashadii 2010 helay 24

Kristdemokraterna (KD) 17 iyagoo doorashadii 2010 helay 19

Socialdemokraterna (S) 113 iyagoo doorashadii 2010 helay 112

Vänsterpartiet (V) 21 iyagoo doorashadii 2010 helay 19

Miljöpartiet (MP) 24 iyagoo doorashadii 2010 helay 25

Sverigedemokraterna (SD) 49 iyagoo doorashadii 2010 helay 20.

Marka laysku daro cododka labada xulufo ayaa xulufada Rödgröna ay isku geyn heleen 158 kursi halka xulufada Alliansen ay heleen 142 kursi. Xisbiga SD oo aan ku jirin labada xulufo ayaa helay 49 kursi.

Aqlabiyada baarlamaanka ayaa lagu heli karaa 175 kursi balse sida muuqata cidna ma helin aqlabiyad taasoo muujinaysa culeyska saaran Stefan Löfven in uu wadahadal la furo xisbiyada kale. Waxa u sheegay in uu gacanta u fidinayo dhamaan xisbiyada baarlamaanka marka laga reebo SD. Qaasatan xisbiyada Centerpartiet iyo Folkpartiet ayuu sheegay in ay siyaasad ahaan isku dhow yihiin. Balse madaxda xisbiyadaas ayaa muujiyay in aysan doonayn in ay la shaqeeyaan Socialdemokraterna.

Dhinaca kale, SD ayaa noqonaya awood weyn, iyagoo fure u noqonaya socod siinta sharciyada baarlamaanka haddii uusan Löfven helin taageerada xisbiyada ka tirsan Alliansen. Dhamaan xisbiyada ayaa muujiyay in aysan la shaqayn doonin SD.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here