Shirkada FlyOlympic oo kacday iyo dadkii raacay oo Muqdisho ku xayiran

18

Shirkada diyaaradaha ee lagu magacaabo “FlyOlympic” ee bishii Juun bilowday duulimaadyo ay ku tagayso Muqdisho, Somalia ayaa shaacisay in ay qasaartay. Shirkada ayaa isbuucii hore shaacisay in ay ku qasaareen duulimaadyadii cusbaa ee ay ku tagayeen Afrika taasina ay keentay in ay shirkadu kacdo (konkurs gasho).

Hada ayaa dad badan oo ka tirsan rakaabkii diyaarada ay ku xayiranyihiin magaalada Muqdisho, iyadoo aysan jirin cid caawinayso. Shirkada FlyOlympic ayaa u muuqata mid qiyaano u geysatay dadka iyagoo aan u faahfaahin nuuca ay yihiin iyo hada sida ay caawimaad ku heli karaan.

FlyOlympic ayaan ahayn shirkad diyaaradeed oo sax ah balse ahayd xafiis laga jarto tikidhada oo keliya kuwaasoo hoos taga shirkad lagu magacaabo (Asian Pacific Around The World Travel Aktiebolag) kuwaasoo aysan Soomaalidu wax maamul ah ku lahayn. Shirkadaas ayaa iyadana ka soo kiraysatay diyaarada shirkad kale oo lagu magacaabo SkyGreece.

Soomaalida shaqaalaha ka ah shirkadaan ayaa u muuqda kuwo ka been abuuray duulimaadyada shirkada, iyadoo aysan diyaaradu toos u tagin Muqdisho balse dhowr meelood ay sii caga dhigatay.

Dadka ku xayiran Muqdisho ayaa u muuqda kuwo aan heli doonin wax caawimaad ah. Sharciga ayaa dhigaya haddii qofku uu goostay waxa loo yaqaan (Paketresor) oo ah hoteel iyo tikit diyaarad wada socda ay qasabtahay in lacagta loo celiyo. Sidoo kale qofkii ku goostay tikitka Credt Card ayaa isna xaq u leh lacagtiisa in loo celiyo. Balse dadka goostay tikidhada caadiga ah ayay xaaladooda adagtahay. Waxay kale oo samayn karaan in ay dayn ka dalbadaan safaarada Sweden laakiin Sweden safaarada kuma laha Muqdisho.

Shirkadi marka ay kacdo (konkurs ay gasho) waxaa la wareegaya qof agaasimaya iyadoo dadkii masuulka ka ahaa shirkada ay meesha ka baxayaan. Waqti dheer ayay qaadan kartaa inta la soo afjarayo baaritaanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here