“Salaadda ayuu tukanayay markii qasab looga dajiyay tareenka SJ”

54

Nin Muslim ah oo ku nool magaaladaasi Flen ee gobolka Södermanland ayaa go’aansaday in uu dacweeye shirkada SJ ee tareenada ka dib markii booliska loogu wacay oo tareenka qasab looga dajiyay. Ninkaan ayaa la sheegay in isaga oo tukanaya ay u soo gashay haweeneyda qaabilsan jeekimaada tikadhada ka dibna markii ay isku dayday in ay la hadasho uusan u jawaabin salaada darteed.

Ka dibna waxay go’aansatay in ay booliska u wacdo kuwaasoo xaadir ku ahaa isteeshinka tareenka. Xeer ilaaliyaha cunsuriyada (DO – Diskrimineringsombudsmannen) ayaa hada shirkada SJ ka dalbaday in ay soo bandhigaan sidii wax u dheceen.

Hadaba suaashu waxay tahay, maku saxsanaa ninkaan in uu tareenka ku dhextukado isaga oo aan tikirkiisa la jeekimin? Shaqaalaha tareenku maxay waqti u siin waayeen ninka tukanayay? Bal fikirkaaga ku darso.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here