“Rinkeby waa Muqdishada Sweden, waa meel Soomaali ka buuxdo”

44

Sidaas waxaa u hadlay haweeney lagu magacaabo Afrah Nasser oo u dhalatay dalka Yemen oo wadankaan Sweden ka heshay magangalyo ka dib markii ay ka soo carartay dowladii Cali Cabdalla Saalax.

Haweeneydaan oo internetka wax ku qorta ayaa wadankeedii uga soo carartay ka dib markii ay nafsadeeda uga cabsatay dowlada Yemen. Sweden ayaa qaabishay oo soo dhaweysay balse waxaa la yaab leh in ay durbadiiba bilowday in ay ku hadasho afka cunsuriyiinta iyadoo wadankaba magangalyo doon ku ah.

2 isbuuc ka hor ayay waxay booqasho ku tagtay xaafada Rinkeby iyadoo iska dhigaysa sida Swedishka oo kale. Mowduuc ay ku qortay bogeeda internetka ayay afkeeda ka qaadi waysay tirada Soomaalida ku nool Rinkeby iyo xumaanta xaafada. Waxay sidoo kale u muuqatay mid doonaysa in ay magac ku hesho arinta la wada ogyahay ee ah sida Sweden ugu liidato isdhexgalka bulshada iyadoo ku celcelisay kala qeybsanaanta xaafadaha iyo sida Rinkeby ay ugu badanyihiin Soomaalida.

Waxay isbarbar dhigtay xaafad lagu magacaabo Safia oo ku taala caasimada Yemen ee Sanca halkaasoo ay Soomaalidu ku badanyihiin balse waxaa la yaab ah. Ma waxaa isku mid ah xaafada qaxootigu ku noolyihiin ee ku taala Sanca iyo Xaafada Rinkeby ee Stockholm? Mida kale Yemen ma waxay ka nolol fiicantahay Soomaaliya? Markaad aragto labada wadan waxaaba door bidaysaa Soomaaliya – xabada mooyee!

Hadalka haweeneydaan ay qortay ayaa runtii iga caraysiiyay. Qofkii aan hadalkeeda si fiican u milicsan ma dareemi karo in meesha cunsuriyad ku jirto balse afkeeda in ay ka qaadi weyso Soomaalida , Muqdisho, Somalian, Afrikan iwm. Ayaad ka dhadhansanaysaa cunsuriyada ku jirta madaxeeda. Balse waxaa ka sii daran iyadoo soo galooti ah oo haddii maanta la dhaho hala raafo soo galootiga isku diyaarad aan raacayno in ay noola timaado hadalo cunsuriyad ah.

Haddiise laga hadlayo fashilka isdhexgalka, Carabtu waxba kama duwana Soomaalida, waaba iyaga waxa inta badan dhibaatada dambiyada ka geysta wadanka, isla markaana gowraca gabdhahooda – waxa loo yaqaan DILKA SHARAFTA. Magaca Muslimiinta waxa ku dheelay waa iyaga. Waxkasta waxay ku haleeyeen intii ay magac ka raadinayaan Swedishka.

Bal halkaan ka akhriso hadalkeeda: http://afrahnasser.blogspot.se/2012/04/rinkeby-segregation-and-i.html

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here