Raysal wasaaraha Sweden oo shacabka ugu baaqay in ay u dulqaataan qaxootiga

6

Raysal wasaaraha Sweden ahna gudoomiyaha xisbiga Moderaterna (M)  Fredrik Reinfeldt ayaa qudbadiisii xagaaga ugu baaqay shacabka Sweden in ay dulqaad u muujiyaan qaxootiga faraha badan ee wadanka ku soo qulqulaya.

Raysal wasaaraha oo dareensan culeyska ay keeneen qaxootiga ka soo cararaya wadamada Syria iyo Iraq ayaa Swedishka ugu baaqay in ay u dulqaataan qaxootiga oo ay qalbigooda u furaan. Sanadkaan ayaa la filayaa in magangalyo doonka iska dhiibaya Sweden ay gaaraan tiradii ugu badnayn abid.

Raysal wasaaraha ayaa guud ahaan qudbadiisa ku soo qaatay doorashada nagu soo aadan, isagoo xisbigiisa ay fooda isdari doonaan xisbiga mucaaradka ee Socialdemokraterna (S) ee uu hogaamiyo Stefan Löfven.

Reinfeldt ayaa sheegay in haddii shacabka Sweden ay doonayaan in dhaqaalaha wadanka uu ahaado mid wanaagsan ay u codeeyaan xisbigiisa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here