Raysal wasaaraha Norway oo taksiile noqday [Video]

0

Raysal wasaaraha Norway Jens Stoltenberg ayaa bishii Juun waxa uu go’aansaday in uu ka mid noqdo taksiilayaasha magaaladaraysal-wasaaraha-norway Oslo. Mr Stoltenberg ayaa taksiile nimo ku shaqeeyay galab isagoo xirtay dharka taksiilayaasha iyo ookiyaale. Sababta uu taksiilaha u noqday ayuu sheegay in ay tahay in uu ogaado sida ay u arkaan shacabka Norway shaqadiisa.

Raysal wasaaraha ayaa si caadi ah u watay shaqadiisa taksiile nimo ilaa ay ka aqoonsadaan rakaabka uu waday. Dadka uu qaaday ayaa qaar isku qilaafay in uu ninkaan yahay nin u eg raysal wasaaraha iyo in isaga laftiisa uu yahay, isagoo markii dambe isu sheegay isla markaana ay dhexmartay wadahadal ku saabsan arimaha siyaasada iyo Nolosha.

Raysal wasaaraha ayaa xitaa intii uu ku gudo jiray shaqada taksiilaha waxa uu sameeyay qaladaad, isagoo baabuurka si xoog leh bareega u qabtay. Waxa uu sheegay in uusan mudo 8 sano ah uusan baabuur wadin. Dadka uu qaaday raysal wasaaraha ayaan laga qaadin wax lacag ah.

Raysal wasaaraha oo markii uu shaqada taksiilaha soo dhamaystay la waydiiyay in uu xiisaynayo in uu taksiile dhab ah noqdo ayuu yiri “waxaan filayaa in shacabka iyo wadanka Norway ay faa’iidada ugu weyn ugu jirto in aan raysal wasaare ahaado”.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here