Qaybta Bulshada Somaliska

Isbuuc kasta waxaa na soo gaara mowduucyo badan oo ay noo soo diraan aqristayaasheena balse uma helno fursad ama boos aan ku soo daabacno dhamaantood. Sidaa darteed Somaliska waxaan ku soo darnay qayb cusub oo aan ugu magacdarnay Qaybta Bulshada.

Qaybta Bulshada waxaad ku soo qori kartaan wixii mowduucyo ah ee aad u haysaan aqristayaasha Somaliska, waxaad ku soo qori kartaan wixii suaalo ah ee laydinka caawinayo iyo fikradihiina.

Qofkasta ayaa ku darsan kara fikradiisa iyo mowduuca aad noo heyso, uma baahna in aad anaga nala soo xiriirto si toos ah ayaad mowduucaaga adigu u daabacan kartaa xitaa uma baahna diiwaan galin iyo baasweer.

Hadaba fursadaan ka faaideysta oo noo soo bandhiga hal abuurkiina qoraal iyo fikradihiina ku wajahan dhacdooyinka saameeya bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden.

Si aad u gasho Qaybta Bulshada – Riix batoonka cagaaran ee ku yaal dhinaca midig.

11 comments

  1. C/raxman Macalin Dhere

    Asc. Waxaan aad ugu faraxsanahay boggan cusub ee bulshada maadaama aan kamid ahay bulshada sida joogtada ah ugu taxan webka somaliska. Marka xiga waxaan jeclaan lahaa inaad jimcale jawaab iga siisid su aashan, majiraan wax ogolaansho ah ee lasiiyey dad. Wixii kadambeeyey Go aanka cusub ee prime minister ka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    1. Jimcale

      C/raxmaan: horta goaan ma ahayn waxay gaareen raysal wasaare iyo xisbiyada kale ee waxay ahayd heshiis kaasoo gogol xaar u ah in goaan la gaaro mustaqbalka. Waan maqlay dad ogolaansho la siiyay balse waxay ahayd ka hor heshiiska dadkaasna waxay u xayiran yihiin shuruuda baasaboorka.

      Haddii alle idmo, waxaan sugnaa waa goaanka maxkamada ama goaan uu gaaro baarlamaanka kaasoo qaadi doona shuruuda baasaboorka (qaasatan dadka caruurta leh).

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. yusuf abdi

    asc waxaan salaamayaa jimcaale iyo inta ay wadashaqeynta ka dhaxeyso.jimcaale waxaad tahay halyeey noosoo baxay qalinkaaga wuxuu xoreyndonaa boqolaal soomaali ah oo xaqooda iyo fikirkooda qaab ay u raadsadaan aan aqoon iyo cid ama jaaliyad u raadiso,shalay ayaan waxaan la kulmay gabar ka mid ah madaxda kammunka sundsvall waxaan ka shekeysanay arimaha somalida halka ay marayaan, waxbadan oo aysan ogeyn iyada ayaan u faahfaahiyay waxeey i weydiisay halka akhbaarahan runta u badan aan kasoo xigtay waxaan ku iri miyaadan ogeeyn in somalida ay sameysatay websayd cusub oo la yiraahdo somaliska.com. markaan intaa iri ayeey inteey kunbuyutarka ku booday horay ka furtay,waxii ugu qosol badnaa oo ay ku aragtay ayaa waxuu ah nin soomaali ah saddex neef oo geel ah u heesaayo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. ikraan

    asc walaal aad ayad u mahadsantahiin waxan raba in anku weydiyo waxaad tirii shuruuda bassaborka uu qadii donaa baelamanka ama maxkama qasatan dadka caruurta leh! dadka xasaska maxad umaleyneysa ama 2bada isqabto aan awxne isku dhaliin ineey noqon donaan? mahadsaniid walaal jimcale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Xassan Cadde

    sxb jimcaale waad salaamantahay, waxaan ku weydiin lahaa suaal dhinaca sharciga ah ma garanayo inaad wax ka ogtahay iyo in kale laakiin hadii aad ii heli karto jawaabta waan kuu mahadcelinayaa

    waxaan ahay aabbe caruurtiisa ay joogto sweden waxaan joogaa Kenya marka waa la siiyey reject, qoladii maxkamada imagrationkana waxey dhahdey waan ku raacney diidmada, appeal qaado ayey dhaheen waan qaatey maxkamadii aan appealka u qaadaneyna waxey dhaheen qoraalkan

    Decision

    migration across the court announces not to appeal.
    immigration court’s decision therefore stands.

    decision may not be appealed (Chapter 16, § 9 third paragraph ofthe Aliens Act)

    sidaa darteed maxey noqon kartaa talaabada xigta ee aan qaadi karno, ma process cusub hadda iyo koow aan afrika ka soo bilowno ama sweden dhexdeeda dadaalo ayaa laga sameyn karaa sida lowyer oo kale ama amnesty international,

    fadlan dad badan ayey quseyn kastaa arintaan i heysato jawaab waafi ah wixii aad ka fahmi karti sxb.

    mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    1. Gentleman

      Asc hasan walaal horta wax kasta waa calaf.mida xigta waan maqlay hooya sidas cmal ku dhacday,waxa ka joga sweden gabar ay dhashay oo kuso gashay sida caruur cmal.marki ay dalbatay walidkeda in loo keena waxay lagu yiri waxna kuma keeni karna. Marka hadi shekadada ay tahay reerkan cmal dad badan ayey sidas la damacsan yh. Marka kala caday adiga sida ilmaha ugu hadhay marki ay so galayen sweden.asc

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

      1. xassan cadde

        Ninyahow aniga ilmaha horta waa yaryarhiin mid ka mida meesha ayeyba ku dhalatey, sida ay ku soo gashayna waa sida somalida ku so gasho document fake ah, qaab noocaas marka diidmada naloo diidey waxey uun ku taxaluqdaa arimaha is cadee ama kuma qanacsanin oo kuma filna cadeymahaan camal laakiin wax kale naguma heystaan, dad ayaa nagu leh hadda iyo biloow waaye arintiina inaad hadana soo bilowdaan, dadna waxey leeyihiin qabsada qareen, waana ogtihiin qareenka waa kharaj aan loo baahneen haduusan waxba qaban karin, laakiin haduu wax qaban karo waan iska qabsan laheen, koley DNA aniga diyaar ayaan ahaan lahaa.

        U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. C/raxman Macalin

    Asc. Xasan walaal wax walba waa Calaf. arintuna reject gana waa mid inbadani kula qabto.
    Ex. Bro. Aniga 2008 waxaa ii dacwooday 2 wiil aan dhalay iyo xaaskayga. Oo joga Sweden. 2009 kii Waxay isiiyen reject. Maxkamad ayaa 2010 DNA iidirtay. Waxaa aniga ilmahaba nalaga qaaday DNA. Waxay isoo tureen jwb ah waa DNA giinu. After one week waxay isoo tuuren Diidmo 2aad. Marka bro. Qadarta alle ha hilmaamin. Waa utagayna ilmahayaga insha allah. .. ..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Abdulahi

    Asc hassan cadde & c/raxman macalin ,,,,, insha,allah waa imaandoontaan waana dhamaatay arinti xujada eheyd waqti badan ayaa soo samirteen waxyar ayaa idiin dhiman ee niyada qeyr usheega

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Maxamad abdi

    Asc walaal kadib waxaan waxaan jerclaan lahaay maalin dhoweed ayaan waxaan meeshaan ku awray in laga yaaba in wax laga balelo xiliga laga maqnaan karo wadanka swedan wax laga balali doono marka waa laga tiray meeshaan ku arkay markii hore marka walaal mawaxaa laga taalbay oosidaa ayaa meesha looga saaray mase bal iiga soo jawaab adigoo raali ah m ahad sanidbyyyyyyyyyyy

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. mohamaed

    asc walaal dhamaan waxaan halkaan kasalaamayaa bahda somaliska kadib walaal waxaan rabay inaan su aal kaaweeydiiyo marka waxaa waxaan meeshaan maalin dhoweed ku arkay in laga yaabo in wax laga bidelidoon xiliga uukamaqnaan karo qofka deganaasho kuleh wadankaan swedan marka meeshii ayaan kawaayay malaga laabtay mase iiga sii jawaab walaal mahad sanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

Sveriges största somaliska språk hemsida. Läs Sveriges senaste nyheter på Somaliska. Information för somalier i Sverige. Somaliska Lexikon. Bogga wararka Soomaalida Sweden. Wararka Nolosha Sweden.