Qaab cusub oo lagu baarayo da’da magangalyo doonka

12

Gudi ay u xilsaartay dowlada Sweden in ay soo bandhigaan qaabkii loo baari lahaa da’da dadka isku dhiiba caruurta ayaa soo gabagabeeyay hawshoodii. Iyagoo hada soo bandhigay nidaam cusub oo lagu ogaan karo da’da dhabta ah ee dadka da’da yar isku dhiiba.

Gudiga ayaa soo bandhigay qorshe ka kooban dhowr qodob oo ay ugu horeyso in raajo gacmaha ah iyo baaritaan ilkaha ah lagu sameeyo magangalyo doonka. Waxaa intaas sii dheer in wareysi lala yeesho iyadoo arinta inta badan ay sameynayaan dhaqaatiirta.

Gudiga ayaa sidoo kale ku baaqay in arintaan si taxadar leh loo isticmaalo maadaama ay jiri karto qalad gaaraya 1 sano ilaa 4 sano oo ay sheegi karto raajada. Qaladkaas ayaa noqon kara mid qofka da’diisa u muujinaya in ka badan inta uu jiro ama in ka yar. Sidaa darteed ayay gudigu ku taliyeen in wareysi la socdo baaritaanka.

Nidaamka ay hada Sweden ku baadho da’da ayaa ah mid la abuuray 1993 kaasoo ka dambeeya casriga hada jira. Wasiirka Socdaalka Sweden Tobias Billström ayaa horay u dalbaday in la abuuro sharci quseeya arintaan, isla markaana la raaco qaabka ay wadamada Dariska ah ee Norway iyo Denmark wax u baaraan.

Qorshahaan ay soo bandhigeen gudiga oo hada soo jeedin keliya ah balse aan wali la dhaqan galin ayaa noqon doona mid adkeyn kara xaalada magangalyada dadka caruurta isku dhiibta oo Laanta Socdaalku ay ku tilmaantay kuwo da’dooda dhabta ah “shaki” ku jiro.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here