Home Wararka Maanta Norway Warbixin la siinayo Dadka laga ceshtay Sharciga Dalkaasi oo dhicidoonta maalinta..

Norway Warbixin la siinayo Dadka laga ceshtay Sharciga Dalkaasi oo dhicidoonta maalinta..

0

Dalka Norway waxaa la filayaa in uu kulan dhexmaro hay.ada socdaalka u qaabilsan dalkaasi ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UDI iyo Bulshada Somalida.

kulanka ayaa waxa uu salka ku hayaa sidii somalida ku nool Dalka norway loo siin lahaa macluumaad ku aadan dhanka socdaalka,

Macluumaadka la siinayo waxaa kamid ah halka ay marayaan go.anada laga qaatay dadka dhawaan laga ceshtay sharciyada iyo kuwa doonaya in faamilkooda ama qoyskooda lala mideen lahaa.

Waxaa la filayaa in uu kulanka dhaco 8 March ee bishan sida uu sheegay Masuul ka tirsan laanta socdaalka Norway UDI.

Waxyaabaha diirada la saarayo waxaa kamid ah.

1 Dadka Sharciga dhalashada laga ceshtay.

2 Kuwa laga ceshtay Daganaanshaha Dalka norway.

3 Qiimeynta Magangalyo doonka Somalida iska dhiibi lahaa dalkaasi.

4 iyo Mideynta Qoysaska halka ay mareyso.

si aad kulankaasi uga qeyb gasho waxaa raaci kartaa linkiga hoose adigoo helidoono goobta uu kulanka ka dhicidoono oo ku taala Caasimada OSlo.

Riix Hausmannsgate 7

Somaliska OSlo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here