Home Wararka Norway Norway oo ogolaansho Shaqo siineysa Dadka ku jira kaamamka Qaxootiga..

Norway oo ogolaansho Shaqo siineysa Dadka ku jira kaamamka Qaxootiga..

0

Dalka norway ayaa bilaabaya qorsho cusub kaasi oo ku aadan qaxootiga ku sugan dalkaasi ee ku sugan Kaamamka Qaxootiga.

Dowlada ayaa sheegtay in Qofka ku jira kaamka qaxootiga la siinayo shaqo ogolaansho oo ku aadan in uu shaqeesan karo inta uu ku jiro kaamka.

Hadalkaasi waxaa shaaciyay Gudoomiyaha xisbiga Trine kadib kulan ay iskugu yimaadeen Xisbiga Bidix ee dalkaasi.

14 ka bisha May ee nagu soo wajahan ayuu bilaabandoono qorshaha dowlada ku dooneyso in shaqo lagu siiyo dadka ku sugan kaamamka qaxotiga.

Waa kuma Dadka loo ogolaan karo Shaqada.

1 Qofka Heesta Sharciga.

Dad badan ayaa ku jira xaruumaha qaxootiga Dalka norway kuwaasi oo dhameestay kiiskooda isla markana helay sharciga kuwaasi ayaa kamid ah dadka heli kara warqada ogolaanshaha shaqada.

2 Dadka ay u badantahay helitaanka Sharciga.

Xarumaha qaxootiga Dalkaasi waxaa ku sugan dad badan kuwaasi oo heli kara sharciga waxana dadkaasi ku jiraan dadka la siin karo warqada shaqada.

Gudoomiyaha Xisbigaasi ayaana khudbadeeda waxay kaloo ku sheegtay in xisbigeeda ka danbeeyay meel marinta qorshahaasi isla markana ku faaneyso.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here