Home News in English Norway oo laga Celiyay Sanadkan ku dhawaad 5,000 kun oo Ajaanib ah...

Norway oo laga Celiyay Sanadkan ku dhawaad 5,000 kun oo Ajaanib ah Wadankee ugu badan.

0

Ku dhawaad ​​5,000 oo ajaanib ah ayaa laga tarxiilay Norway sanadkan Bilayska Noorweey ayaa dhoofiyay 4,722 kun ajaanib ah 11kii bilood ee ugu horreeyay sannadka. Tani waxay boqolkiiba 6 ka yar tahay sanadkii hore.

Wadar ahaan 133 oo ka mid ah 429 qof ayaa la xukumay bishii Novembar waxana lagu xukumay hal ama dhawr dambi Waaxda Soo galitaanka Booliska (PU), oo leh mas’uuliyad qaran ee ka saarista dadka sharciga heysan ayaa dadkaasi tarxiishay .

dadka la tirxiilay badankooda waxay ka yimaadeen Poland (16 boqolkiiba), Romania (14 boqolkiiba) iyo Lithuania (9 boqolkiiba).

Ku dhawaad ​​siddeed ka mid ah 10 ajaanib ee ku jira (3,762 qof) ayaa la ceyriyaa ama la masaafuriyaa. 520 waxaa laga diiday codsiyada magangalyada, 440 ayaa dalka looga diray xeerarka Dublin . Qiyaastii seddex meelood meel ka mid ah muhaajiriinta ayaa dib loo celiyay sannadkan,sababo dambi ah Norway ah.

Kuwa ay tarxiileen booliska norway sanadkaan waxay heesteen 138 jinsiyad, waxaana la geeyaa 128 dal. iyadoo loo fiirn in wadankaasi uu u dhashay ama in kale.

Iswiidhan ayaa ku jirta liiska wadamadaasi waxana loo musaafuriyay 512 qof. Talyaaniga 394, Poland 333, Romania oo leh 267 iyo Ruushka oo leh 261 qof.

Somaliska Oslo

Xigasho/ Norway today

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here