Ninkii nabiga aflagaadeeyay oo bandhig loo diiday

Ninka caadeystay aflagaadada Nabiga (nnkh) ee lagu magacaabo Lars Vilks ayaa waxaa loo diiday in uu ka qeyb qaato bandhig ay sameynayaan farshaxan yaqaanada Sweden oo lagu soo bandhigayo matxafka gobolka Värmland ee lagu magacaabo Jamtli.

Masuuliyiinta matxafka ayaa sheegay in sababta ay uga diideen Vilks in uu ka qeyb qaato bandhiga ay tahay in uu beryihii dambe noqday mid lidi ku ah Muslimiinta iyo islaamka. Waxay tusaale u soo qaateen in Vilks uu doonayo in uu ka qeyb qaato mudaharaad laga dhigi doono magaalada New York ee dalka Maraykanka kaasoo looga soo horjeedo Muslimiinta.

Ma doonayo in Jamtli lala xiriiriyo borobogaandada ka dhanka ah Muslimiinta. Waxaan leenahay Muslimiin badan oo gobolkeena degan oo waxaan doonaynaa in dhamaan ay dareemaan amaan iyo soo dhaweyn. Ayuu yiri Henrik Zipsane oo ka mid ah masuuliyiinta matxafka.

Waxay intaas ku dareen in aysan dhibaato ahayn in qofku uu isticmaalo xoriyada hadalka balse waxyaabihii uu sameeyay Vilks sanadihii dambe aysan ahayn kuwo iyagu ay doonayaan in lala xiriiryo. Ninka lagu magacaabo Lars Vilks ayaa ilaa sanadkii 2007 waxa uu caado ka dhigtay in uu goobkasta ku soo bandhigo kartoono lagu aflagaadaynayo nabi Muxamed (nnkh) iyo muslimiinta. Dhowr jeer ayaa isaga laftiisa weerar lagu qaaday, isagoo hada ku nool dhuumaalaysi.

12 comments

  1. DOOYAALE

    EEY VILKS ” Ku Nooloow Dunida Korkeeda , Cariiri iyo Cabsi , Aakhirana Cadaab iyo Caro Alle .

    Ogoow Xabiibkeena Muxamed SCW , wuxuu leeyahay Rag Naftooda Ku Bixinaa Difaaca Rasuulkeena SCW .

    Fikrad lala dhacay Thumb up 29 Thumb down 0

  2. raaqiya

    naarta alah kuu hoosmariyo alah caradiisaa ku dhacday

    Fikrad lala dhacay Thumb up 23 Thumb down 0

  3. ahmed

    illahay calaamo kaamuujiji illahay naarta hakugu fogeeyo ifka cidhiidhi ku noolaw aakhirana jaxiima halka ugu hoosaysa allaah ha ku galiyo aamin aamin yaa allah

    Fikrad lala dhacay Thumb up 23 Thumb down 0

  4. DEEQ,DARAJO

    TO;JIMCAALE?walal marka hore waaxaan salamaya dhamaan muslimiinta meelkasa oo ay joogaan,salaantas kadib waxaan qabaa hal su;aal oo aan moodoo in eytahay,muhiim tasoo ah waa beryahayahan danbe so noq noqday un ey laanta socdalka kaqaday sharuudii,somalida qasatan kuwa caruurta leh,oo ey kaqaday DNA,ok wa sax oo wan aragnay lkn su,aasha meesha taalo ayaa waxey tahy dadki ogolashada lasiiyay maloo haya basabor,wayo waxaan tagay safarada sweden awaxana uracay dad aan uturjumayo oo kararki lasiiyaya mar aan wax kaweydiyay arimaha basaborka,ayeey waxeey iigu jawabtay,sidatan,anga ila hada dadka ogolanshada aan siinay nalaguma amrin in aan basabor siino mana umaleynayo in lasin dono ilaa 2013,6,marka waxaan umaleynayaa arintas in eysan wili sweden ee\san wax kabadalin arinta basaborka marka jimcale fadlan arinta basaborka isku day in aad waxbadan kasoo ogooto mahadsanit

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 2

  5. dadir

    naxdin ku noolow aduun aaqirana cadaab

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 0

  6. Mohammed

    Hadduu ku noolyahay Ciriiri iyo Dhuumaaleysi Maxaad Moodaa markuu rabo inuu ka qeyb qaato banaan bax ama meel dad isugu imaanayaa . Alle waxaan ka baryey Calaamad gooni ah oo ciqaab xun ah aduunyada dusheeda inuu kaa soo saaro siduu Fircon iyo Kuwii la midka ahaa loo galay. kuwa kaa dambeeyana ay ku waano qaataan, Aakhirana Jahanama.

    DEEQ,DARAJO:
    WALAAL ARINTA PASSPORKA WEY JIRTAA SIDAAN ANIGUBA KU HELAY WARBIXIN IN SAFAARADU AY DADKA OGOLAAANSHAHA SIIYEY LKN AAN WALI LA SIININ PASSPORKII WAXAYNAKU TIRI ILAA IYO AMAR DAMBE NAGA WARSUGA OO WAX DUULI KARAYO AMA TIKID SOO JARAN KARO MA JIRAAN. WAXAANAN WAR KA HEYN IN ILAA IYO jUN AMA BISHA 6 AAD EE SANAD KA 2013 DIB LOO DHIGAY WSC.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 0

  7. DEEQ,DARAJO

    QOF OGOLAASHO HEESTA HADANA AAN BIXI KARIN SOW WAREERMAHAA

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  8. deeq

    faajirka in xumaantiisa aduun la tuso way fiican tahay kufriga gaalka ah mida kale waxaan rabaa inaan ogaado qofkii igu saacidi kara dadka ogolaan shaha la siiyay ma laga qaaday lacagta dalabka passborka mise waxaa la dhahay markaad inala soo socodsiino ayaad soo shubaysiin lacagta waad mahadsantiin iid wanagsan dowlad qayr qabtana allaha na siiyo dhibaatooyin badan aan karaysan lahayne wcs

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. Najma

    Aamiin Ilaahay Cadaabata kugufogee insha,alaah! Ogoowna inaan dunida korkeeda kuguciqaabidoono oo uu ilaahay gacan Muslim kuguhalaago insha,alaah. “Caddabu Jahhánnama kuwaar Insha,alaah!”

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  10. masayrbadan

    ilahay aakhiro iyo aduunba kugu leeleeli

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. Samatar

    waxan walalaha comment qorey iyo inta kadib akhrin doonta waxan inad ila duceysan an raba inu eyga iyu wixi lamid ah inu Ilahey subxana watacala mucjiso weyn ku rido akhiro ka hor ey eyda kale ee badan ku fahmo rasulkena udgon Mohamet CSW inu Kheyru khalqila yahay ee ku gartan AMIIN so qora inti qoralka akhrisana amiin dhaha.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. Samatar

    Wa ducadi Samatar´`Ilahow mucjiso ad iyo ad u weyn u duliga eyga iyo najiska iyo wixi lamid ah ey ku gartan qimaha nabigena udgon Mohamet CSW iyo diintena xaqa ah ee saxda ey qabto ku gartan Ilahow ku riiid Amiiin ya rabi

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

Sveriges största somaliska språk hemsida. Läs Sveriges senaste nyheter på Somaliska. Information för somalier i Sverige. Somaliska Lexikon. Bogga wararka Soomaalida Sweden. Wararka Nolosha Sweden.