Nin soomaali ah oo lagu xiray Stockholm

1

Nin Soomaali ah oo heysta dhalasha Iswiidhan ayaa lagu xiray xaafada Rinkeby ee Stockholm asagoo lagu eedaynayo xiriir argagixiso. Ninkan ayaa la sheegay in uu xiriir la leeyahay Xarakada Al-shabaab.

“Hal qof ayaa la xiray maanta, oo looga shakiyay in uu maleegayay falal argagixiso” Ayay tiri Agnetha Hilding Qvarnström oo ka tirsan waaxda cadaalada Stockholm.

Amarka lagu soo xirayo ninkaan ayaa la bixiyay mar hore.

Ninkaan ayaa dhashay 1984, asagoo ka soo jeeda Soomaaliya.

Dambiga lagu heysto ninkaan ayaa la xiriira wiil sidoo kale lagu xiray magaalada Göteborg bishii May ee sanadkaan.

Hay’ada Amaanka ee Sweden (Säpo) ayaa sheegtay in ay waajib ku tahay in ay ka hor istaagto dadka u safraya Soomaaliya ee doonaya in ay ku biiraan Al-shabaab.

Xigasho: The Local

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here