Muxuu salka ku hayaa dagaalka ka dhacay Norrköping?

8

Habeen hore ayaa waxaa magaalada Norrköping ka dhacay dagaal balaaran oo dhex maray qoysas ka soo wada jeeda wadanka Syria. Dagaalka ayaa ka dhacay xaafada ay u badanyihiin soo galootiga ee Hageby kaasoo laysku adeegsaday hub iyo midiyo, iyadoo ay ka qeyb galeen 30 ilaa 40 qof. 

Booliska ayaa xaalada ku tilmaamay mid gacanta ka baxday iyadoo markii ay meesha yimaadeen ay garan waayeen halkii ay wax ka bilaabi lahaayeen. Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 2 nin oo walaalo ah oo da’dooda lagu sheegay 40 sano. Waxaa kale oo ku dhaawacmay 6 kale oo qaraabo ah. Booliska ayaa soo xiray 4 walaalo ah, kuwaasoo loo haysto dil iyo in laga badbaadiyo kuwa kale ee doonaya in ay khaarijiyaan iyaga.

Sheekada ayaa la sheegay in ay ka soo bilaabatay kaniisada horteeda maalintii jimcaha, iyadoo ragga qaar ay isugu hanjabeen hadalo ay ka midyihiin “kaalaya oo raganimadiina muujiya”. Booliska ayaa ku wareersan arinta, iyadoo dadka dhan ay ka wada tirsan yihiin labo qoys oo naceyb ka dhaxeeyo.

Dhacdadaan ayaa Swedishka ka yaabisay, iyadoo ay la yaabanyihiin sida qoysas dhan ay gacmaha iskula tageen oo nafta iska gooyeen. Ma ahan markii ugu horeysay ee dhacdooyin dil iyo qasaare kale ay ka dhacaan magaalada Norrköping balse dhacdadaan ayaa la sheegay in aysan wax xiriir ah la lahayn kuwii hore.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here