Mudaharaad weyn oo lagu taageerayo Gaza oo Stockholm lagu qaban doono

1

Maalinta khamiista ee taariikhdu ka beegantahay 31 bisha July ayaa waxaa magaalada Stockholm lagu qaban doonaa mudaharaadkii ugu weynaa ee lagu taageerayo Muslimiinta Gaza ee weerarada arxan darada ah ay ku hayso Israel.

Qabanqaabiyaasha mudarahaadka ayaa doonaya in ilaa 10.000 qof ay ka soo qeyb galaan mudaharaadka iyadoo hadaba ay 1.500 qof ay is diiwaan galiyeen. Soomaalida ku nool Stockholm iyo guud ahaan Sweden ayaan ugu baaqayaa in ay ka soo qeyb galaan mudaharaadka oo ay muujiyaan shucuurtooda ku aadan xaalada Gaza.

Mudaharaadka ayaa ka dhici doona adreeska: Mynttorget, ee Gamla Stan. Saacadu markay tahay 17:30-21:00. Iyadoo socod lagu tagi doono baarlamaanka Sweden iyo safaarada Israel. Haddii aad Facebook isticmaasho booqo bogga mudaharaadka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here