Migrationsverket & Sharci bixinta

Wargeyska Aftonbladet ayaa maalmahaan waxa uu baaritaan ku haayay qaabka ay u shaqayso Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket). Iyagoo soo bandhigay warbixino qarsoodi ah oo ku saabsan shaqadooda.

Mowduuca ugu xiisaha badan ee laga qoray Migrationsverket ayaa ku saabsan amar ay maamulku siiyeen shaqaalaha oo lagu amray in ay bixiyaan sharciyada ugu badan. Mid ka mid ah shaqaalaha Laanta Socdaalka oo Aftonbladet la hadlay ayaa sheegay in ay doorbidaan bixinta sharciga halkii ay diidmo ka bixin lahaayeen. Sababta ayuu sheegay in 90 maalmood ay haystaan in ay go’aan ka gaaraan qofka taasina aysan macquul ahayn in baaritaan qoto dheer lagu sameeyo.

Waxaa intaas dheer ayuu shaqaalaha sheegay in qoritaanka warqada diidmada ay u baahantahay hawl dheer sida in si qotodheer loo sharaxo sababta loo diiday qofka. Waxa uu sheegay in taasi ay ka fududahay warqadaha ogolaashaha. Warbixinta Aftonbladet ayaa lagu sheegay in xitaa maamulayaasha hoose ee Laanta Socdaalka ay doonayaan in ay madaxda sare u bandhigaan tirooyin wanaagsan oo sharci bixin ah.

 

27 comments

  1. xasan bariise

    dee waa sidaa ha la bixiyo sharciyada

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  2. ismagabe

    waa si wanaagsan ilahay hanaga siiyo sharciga jimcaale ma dadka diidmada lagu siiyay sweden oo dhan ayaa sharci la siin walalao bal jawaabta isii

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. hodan

    asc niyow maxaa lagu ilaabay singalkii wali se wax wara malaga hayaa halay kudanbeysay arintoodii

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. abu cayn

    SALAANT ISLAAMKA KADIB SIDEE BEY SUURAGAL KU TAHAY IN MADAXDA LAANTA SOCDAALKA EE SWEDEN KU AMARTO SHAQAALAHEEDA IN AY BIXIYAAN SHARCIYADA IYA DOO AAN KA WARQABNO HABKA MAGAN GELYO DOONKA EE SWEDEN IYA DOO SUURAGAL AY TAHAY IN MADAXDA WAAXDA SOCDAAL KA EE SWEDAN AY KU AMRAAN SHAQAALAHOODA IN AY BIXIYAAN GO AAMADA DADKA MAGAN GELYO DOON KA AH HALII AY AMRI LAHAAYEEN IN AY SHARCIYADA BIXIYAAN EE WALAAL JIMCALE BAL YARA HUBI TURJUMIDA WARGEYSKA AAD KA XIGATAY MOOW DUUCAN MAHAD SANID

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. ismacil

    waan ku salaamayaa.waxaan ku waydiinayaa dadka diidmada haysta ama laba ama mid arrintoodu xagay maraysaa.mida kale dadka mudada joogay sharcina hayn maxay dawlada iswidhan ka damacday.bal jimcaale wixii aad nagu dhaanto jawaab naga sii adigoo mahadsan aad ayaanu ugu faraxsanahay kolba akhbaarta dalka ka soo baxdo sida aad noola socodsiisid waanad ku mahad san tahay ilaahay ha kaa jisaa.i siiyo mahad sanid

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. anisa

    walalalo salan sare markahore waxan ku waydin raba walal dadka la rabo ina sharci la siyo marku jiran dadki horey diidmoyinka lo siyeye ee wali camamka ku sugan arinta ma i fahfahin karta walal ado mahadsan wcs

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

    1. muna

      asc jimcale walal warbixin maka haysa dadka haysta diidmada mudada badan ay ku dhibateesan wadanka gudihiisa walal war bixin naga sii hadii aad war ka heysid taas ayaan u xiiso qbnaaaa jwb ayan ka sugayaa walalkey hadii aad war ka heysid arintaas

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. abu cayn

    Marka hore waxaa mudan in aan is weydiino jimcaale ma sarkaal u shaqeya laanta socdalka ee swedan mise waa qoraa web-site dhanka kale sharciga hago laanta socdaalka ee swedan waxaa la yiraahdaa ALIENS-ACT sharcigaan ayaa wuxuu go amiyaa qof ma gan gelyo doonaha in la siiyo ogolansho ama diidmo hadaba walaal qof ka hela mar diidmo wuxuu sameyn karaa APEAL AMA RACFAAN ka dib haduu diidmo kala kulmo racfaan wuxuu arinka u gud bin karaa maxkamada sare oo go aanka kama dambeynta leh ee wallayaal yaan waqti leysga dhumin qoraa WEP-SITE sida jimaacale ee si aayar ubooqda bogga wep-site ee laanta sodaalka migration board.se oo aad ka heli doon taan habka magan gelyo doonka sweden min codsi ilaa go,aan

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  8. ayaan basey

    asc walaal jimcaale waan ku salamay salaan ka dib walaal jimcaale mudo badan ayaan kuso qoray arinta i heysato wax jawaab ahne igama sheegin walaal aniga dhiga DNA waan maray canugeyga iyo ninkeygane way mareen DNA hadane waxaa lee dhahay nuunaha ogalasho walagu sinaa laakin ninkaada diidmo ayey iiga siyeen waxay shardi iga dhigeen adiga iyo ninkaada ma isla noleen 2 sano
    aniga iyo ninkeyga waxaan isla noleen sanad iyo 8 bilood hataan waan kuso boqday afrika marka maxaad ka og tahay walaal jimcaale arintaa adigo raali iga iga soo jawaab ama qof aritani wax ka og jawaab ha iga soo bixiyo wbtfq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  9. abu cayn

    Walaal waxaad ogaataa halkan sweden ah in go aan kasto oo diidmo ah laga qaadan karo APEAL AMA RACFAAN hadee adoon doon donin talo iyo tusaaleyn ayar samey racfaan ku saabsan diidmada ku wajahan ninkaada dabadeedna qeex sameynta culus ee ay kugu leedahay diidmada sey-gaada adoo sameynaya qoraal APEAL- AMA RACFAAN UNA GUD BINAYA QEYBTA AY QUSEYSO.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. axmed xasan

    SCW DHAMAAN REER SOMALISKA WAAD MAHADSANTAHAY HABKA AAD ULA TALISAY ABAYDA AYAAN .WAXAAN RABAY IN AAN OGAADO ARIKAN MATAHAY ARIN JIRO MAXAA YEELAY KUMA JIRYO WEBKA IMGRATIONSVERKET KUMA ARAG SHURUUDAHA MAXAY TAHAY SHURUUDAAN QARSOON MA WAX JIRAA MAXAY TAHAY WALAALAHA SOMALISKA BOOQDA QOFKII XOG KA OG WAXAAN KA CODSAHAA IN AY SOO QORTO WAAD MAHDASANTIHIIN …….

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. axmed xasan

    walashay ayaan basay abaayo waxaan ku waydiihaa qof aan adiga ahayn oo arikan qabsatay ma aragtay ma tahay shuruud jirto hadaad fiirisay maxaa yeelay kuma jirto imgrationsverket bogaas shuruudaha dhan waa ku cadyahay marka abaayo ayaan iyo dhamaan qofkii xog ka og ha iisoo qorto aad ayaan isha ugu hayaa asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. filsan

    haa way jirtaa arintaas anigana saas bay idheheen ilmona waan isu dhalnay lakiin racfaan baa kaqaatay marka aad baan ujeclahay in aan wax ka ogaado sharcigaas

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. Daadey,yare,

    Asc/dhaman salan kadib, waxan raba dadka leh shuradas kumajirto, wabka lanta socdalka, in an wax,yar u ifiyo ufirso mesha ey kuqorantahay waa in u walidka horay u cadeyay aqonsigisa lagana aqablay waxa kuxikta wa in ey iskula nolayen wadankoda hoyo ama wadan sadaxad, waxan umalana in ad fahanten ulajedada meshas kujirto, dabcan macnaha wa in ad wada noleden mudo badan, ok, hadan ugudbo tan,2aad o ah ya arkay rux hore losiyay go,aankan oo kale yes, ana arkay, o lashekestay mana aha dad xata wabkan somaliska.com, soboqdo ama waxka yaqanan, marka shuradaha, ey lanta socdalka kushaqeysona,dabcan malawada fahmikaro o wey kadurug sana yihin intat modan, o dacwo walbo wijigeda ayey wax kuxukman dadlayiri sowmadan arag DNA, ginu wasax mudo badana na wad wada noleden, hadana didmo lasiyay ayan shaley arkay o layiri intar fayugina aya shaki naga galay, e sore,cml, mahadsanit

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Yahya

    Salamu Calaykum

    Jimcaale walaalo waan ku salaamayaa walaalo adigoo mahadsan shuruudan labada sano la isku xidhaayo waxaad ka ogtahay noo sheeg.
    walaalo jawaabtaadu waa noo muhiim adigoo raali ah

    Thanks

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. yuusuf

    Walaal.jimcaale.waad.madsantahay.sida.wanaagsan.ee.aad.nuuku.eawarantit

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. ayaan basey

    Filsan abaayo waan ku salamay salaan qaali ah weliba walaal runti aniga iyo adigabe isku mid ayaan nahay anigaba racfaanka waan qortay weline igama soo jawabin wana sugayaa haduu rabi idmo ee walaal arinkani makala tashatay (handledning) waxaan ula jeyda qofka ku ah gacan yare ee walaal arinakn ilaa iyo gormee ayaad ula kulantay walaal waxaan ka sugaba waa jawabtada waan ku salamay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. buurane

    Wwaa yaab walaal mawaxaa kala duwan qaabka dacwadaha loo xaraystay.Lamaane ubaad isu dhalay 2SANO IYO KABADANA KALAMAQNAA OO OGOLAANSHO LASIIYAY AYAAN HADA LAFADHIYAA.MARKA WALAAL MAXAA QALDAN.MA ISWEDEN AYAA WAREERSAN MISE INAGAA SHEEKADEENII BILOWNAY.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    1. booteeye

      Buurane dadka hadda sharciga loo diidan yahay looguma diidin laba sano in ay kala maqnaayeen ee waxa lagu haysta waa laba sano mawada nooleydeen adiga iyo xaaskaaga intii aadan iman sweden ,macnaha waa inaad muddo aad isla soo nooleydeen intii aadan sweden imaanin

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. ducaysane

    asc ilaahaa noo jajabiyey ilama aha war qorid in ay u yeelaayaan u malaynmaayo inta aan haysan iyo inta loo diidayba ilaahay ha uga soo qaado insha alaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. buurane

    saas iga dheh Booteeye waad mahad santahay waxbaa isku dhex daadsanaa hadaan fahmay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. AYAN BASAY.

    ABAYO ANIGA CARUURTAYDII DHIIG LEE NAGA QADEEN HADANA WAXAY DHAHEEN INTERVIEWGAAGU WAA KHALAD OO WAXAY I SIIYEN DIIDMO MARKAA DAD BADAN OO NOOCAN AH AYAA JIRA, HADA WAAN DACWOONAY WANAN SUGI BAL WAXEY NA DHAHAAN. WAXA KALE OO AAN ARKAY GABAR AY SIDAAS OO KALE KU SAMEEYEN, IYAGOO ARKAYA INAY SAX YIHIIN WAXOODU AYEY LEEYIHIIN HADANE INTERVIEWGIINA WAA QALAD, EE KUWAN ILAHAY HANOOGA SOO QADO ABAYO.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. mohamed CADE

    ASC DHAMAAN WALASHAY AYAN ANIGA XAASKAYGA IYO CUNUG AY II DHASHAY AYAA WAXAY JOOGAAN ADDIS ABABA MARKA KOLAY ADIGANA WAXAA KAA MAQAN CIDDI SI AAN WAX BADAN UGA HADALNO WALASHAY AYAAN NAMBARKAADA MASSAGE IIGU SOO DIR MAGACA AAN KU SOO GALO FACEBOOK WAA MOHAMED ABDIRAHMAN MARKA IIGU SOO DIR NAMBARKAADA SI AAN WAX BADAN MACLUUMADA AAN UGA HADALNO KOLAY WAXBAAD OGTAHY ANIGANA WAXBAAN OGAHAY MARKA WAXAAN KAA CODSANAA AYAA IN AAD ISOO DIRTO NAMBARKA MAGACA WAX SAWIRA IIMA SAARNO

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  22. xayaar

    asc waan kusalamay jimcaale waa arin fiican walaale lakiin aniga waxaan ahay singal oo xajigeega majoogo waxeyna isiiyeen diidmo ilmana ma isku dhalin balxaladaas warkakeen jimcaale

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  23. mo shine

    ILLAHAY INTII SOMALIYA EE DHIBKAA SHARCIGU HAYSTO ILLAHAY H UGA SOO QAADO

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. jimcaale 2012

    haa waa ninkaloo jimcaale liraah ee jimcaalow wixii aflagaado ah marka horebo kasaar adigaa meeshe kataliyee tankale arimaha somalida waa loo baahanyahay wixii cusub waa in dadke loo sheegaa ok waa mahadsantahiin…

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. mohaa yare

    asc all asxabta somalyed o mshan skugu tmi salaan kadib anga hadan iska hadlo waxa haysata arn waxana waaye waxan ahay will da yar oo jira 16 sano dalka sweden ayan iska dhiibay waxan leyahay faro italy ah waxaan joga sanad ku dhawaad dalkan sweden waxan maray wax walba ooo aha magangalyo doon wax walba wa dhamden oo xaga waraysiga ama dacwada ah lkn waxaan sugaya jawaab in ka badan 9 bilood wax jawabana kama hayo sweden hada waxaan go an ku garay inan migartionka tago oo an dhaho waxan codsanaya in db la igu celiyo wadankaygi waayo n mudo ah ayan fadhiya bila sharci wax dhaqaale ahna mahaysto oo lanta socdalka lacag yar ayay isiyan marka dadweynaha waxaan ka codanaya in ay isiyan talo maxaan ku dhaqaqaaaa?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

Sveriges största somaliska språk hemsida. Läs Sveriges senaste nyheter på Somaliska. Information för somalier i Sverige. Somaliska Lexikon. Bogga wararka Soomaalida Sweden. Wararka Nolosha Sweden.