Home Wararka Maanta Mideynta Qoysaska oo ku adag qaxootiga kasoo cararay dagaalada ka socda Dalka..

Mideynta Qoysaska oo ku adag qaxootiga kasoo cararay dagaalada ka socda Dalka..

0

Inkasta oo ay dawladdu ballan qaaday sannad hortii sidii ay eegis ugu sameeyn lahayd suurtagalka iney suuriyaanku ka dalban karaan mideeynta qaraabada safaaradda uu dalkani ku leeyahay Lubnaan, hase yeeshee aanay dhicin.

Halka suurtagalkaasi laga hir-geliyey safaaradda uu dalkani ku leeyahay Suudaan oo 250 miil u jirta dalka Suuriya oo saf loogu jiro muddo laba sannadood ah.

Maadaama uu dalka Suudaan yahay waddanka keliya ee Suuriyaanku ku geli karaan shuruud la’aan (ogolaansho dal ku gal), waxaa si dhakhso leh u dheeraaday safka loogu jiro, iyadoona ay laba sannadood qaadato sidii lagu heli lahaa wakhti wareeysi lagu bixiyo safaaradda.

Gabadha la yiraahdo Alaa waxay sugeeysaa wiilkeeda oo afar jir ah, kuna sugan dalka Suuriya.

–Laba sannadood lama aanan kulmin wiilkayga. Ma oran karo wax intaa ka badan. Cid walba waa ay fahmi kartaa. Gudaha ayaan ka gubanayaa.

Muddo ay iminka ka soo wareegtay sannad ayay laanta wararka ee Ekot soo ban-dhigtay sida ay hab socodka hoowlaha wasaaradda arrimmaha dibaddu ugu adkeeynayso suuriyaanka xaqa u leh sidii ey qaraabadood ula midoobi lahaayeen.

Xilligii kuleeylaha ee sannadkii 2016 ayay dawladdu go’aan ku gaartay in dalka Lubnaan laga furo safaarad – hase yeeshee aaney suuriyaanku halkaa ka dalban karin oglolaanshaha, inkastoo ey suuriyaanku haddii ey caddeeyaan iney ballaan ku leeyihiin safaaradda Sweden ee Lubnaan ey dalkaasi ku geli karaan dhib la’aan.

Annika Söder, gacan-yaraha wasaaradda ariimaha dibaddu ay sannad hortii wareeysi ay siisay laanta wararka ee Ekot ku ballaan qaaday in suurtagalkaasi la eegi doono.

–Sannad dabadii kolka safaaraddu ey furan tahay waxaan ballaan qaadayaa in aannu qiimeeyn doonno waana mid aannu sameeyn doono.

Laanta wararka oo codsatay baratakoolkii la xiriiray go’aankii dawladdu u dirtay safaaradda 14-kii juun 2016 iyo baaristii ka soo baxday ayay wasaaradda arrimmaha dibaddu sheegtay in aan weli la sameeyn qiimeeynta, maadaama ay furistii safaaraddu qaadatay wakhti ka badan intii loogu tala-galey.

Annika Söder waxay sheegtay:

–Waxaannu ku guda jirnaa qiimeeyntii, annaga oo gar-waaq-sanney in aannu u baahannahey wakhti dheeri ah sidii aannu uga gun gaari laheyn.

Baaristii laanta wararka Ekot dabadeed ayay dawladdu go’aan ku gaartay iney suuriyiintu codsigooda ka dhiiban karaan dalka Suudaan safaaradda uu dalkani ku leeyahay, halkaasina oo ey viisa la’aan ku geli karaan, hase yeeshee sugitaanku gaarsii-san yahay 22 bilood. Annika Söder ayaa iminka sheegtay iney ku howlan yihiin sidii safka loo dhimi lahaa.

–Waxaannu iminka ku dadaaleeynaa sidii aan safka u dhimi laheyn annaga oo rajeeyneynaa in ugu yaraan aannu bar ka dhigno.

Hase yeeshee uu xeerka dalku qeexayo in dhammaan howlaha dalabaadku aaney qaadan wakhti ka badan sagaal bilood, halka ay Madeleine Seidlitz oo ka howl-gasha ururka Amnesty sheegtay in aanay ku filleyn howlaha ay wasaaradda arrimmaha dibaddu ka qabato iyadoona aad u dhaleeceeysay.

–Waan soo dhoweeyneynaa in miisaaniyad dheeri ah la geliyey, hase yeeshee kuma filna. Suuriyaanka waxaa aad uga sahlan iney dalabaadkooda ka dhiibtaan dalka Lubnaan. Waxaa jira dhinacyo badan oo laga eegi karo. Suurtagalka lagu tegi karo safaarad, dalabaadka la dhiibto iyo wakhtiga la sugo.

Alaa oo wiil afar jir ah uu kaga sugan yahay dalka Suuriya ayaa doonaysa in suuriyaanka suurtagal loo siiyo iney codsiyadooda ka dhiiban karaan waddammo badan.

–Waxaan ku dadaalayaa sidii aanan u niyad jabi lahayn oo aanu salcaan iigu dhici lahayn ama aanan u waalan, balse ma garan karo inta aan awoodo dadaalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here