Maxkmada ugu saraysa Sweden oo diiday nikaaxa Muslimiinta

16

Maxkamada ugu sareysa Sweden (Högsta förvaltningsdomstolen) ayaa diiday nikaaxa gabadh 17 sano jir ah oo guursatay iyada oo dhowr maalmood ka dhimantahay in ay qaangaadho.

Arinta ayaa ku bilaabatay ka dib markii gabadh Muslim ah oo u dhalatay Falastiin ay guursatay iyadoo 10 maalmood uga dhimantahay in ay 18 sano gaarto. Ka dib markii ay isku dayday in ay nikaaxeeda ka diiwaan galiso xafiiska canshuuraha (Skatteverket) ayaa laga diiday in loo diiwaan galiyo ninkeeda maadaama la sheegay in aysan 18 sano gaarin xiliga guurka.

Arinta ayaa gaadhay maxkamad iyadoo maxkamadu u hiilisay gabadha oo ay sheegtay in waqtiga ka dhiman in ay gabadhu 18 sano gaadho iyo xiliga guurku dhacay aysan waxba u dhaxayn sidaa darteedna ay ogolaatay guurka. Skatteverket ayaan arinta intaas uga harin ee waxay ka xareysteen racfaan iyadoo markii labaad gabadha loo hiiliyay.

Skatteverket ayaa doodii sii waday oo arinta gaarsiiyay maxkamada ugu sareysa taasoo markii dambe go’aankeeda ugu hiilisay Skatteverket. Maxkamada ayaa sheegtay in aysan Sweden aqbali karin guurka maadaama aysan gabadhu 18 sano gaarin.

Gabadha ayaa xitaa ku dooday in nikaaxa uu dhacay oo keliya 10 maalmood ka hor inta aysan 18 gaarin balse guurka iyo xafladu ay dheceen markii ay qaangaadhay.

Si kastaba ha ahaatee, Maxkamada Sweden ayaa raacday sharci uu baarlamaanka Sweden soo saaray sanadkii 2004 oo faraya in uusan guur dhici karin haddii lamaanaha aysan gaarin 18 sano.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here