Home Wararka Maanta Maxaa ku soo kordhay Qorshe Dowlada Norway ay ku celineyso 1,600 Qof...

Maxaa ku soo kordhay Qorshe Dowlada Norway ay ku celineyso 1,600 Qof oo Somali ah..

0

Dowlada Norwey ayaa la sheegay in ay wado qorshe ay Soomaaliya dib ugu soo celineyso dad gaaraya 1,600  qof oo Soomaali ah, waxaana dadkan isugu jiraa kuwa loo diiday magan galyo iyo dad kale.

Soomaalida kunool Norwey ee la qorsheenayo in Soomaaliya dib loogu soo celiyo ayaa arintan ka cawday, waxa ayna sheegeen in noloshooda ay halis galeyso hadii Soomaaliya xiligan lagu celiyo.

Kooxaha u dooda Xaquuqda aadanaha ee ka jira dalka Norwey ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aanka dowlada Norwey  ee ku dooneyso in Qaxooti Soomaaliyeed dib ugu celiso dalkooda.

Waxa ay sheegeen kooxahan in Xiligan Soomaaliya aysan ka jirin xasilooni buuxda, waxa ayna ku dhaliileen dowlada in ay halis galineyso nolosha dad badan oo hada si nabad galyo ah ugu nool Norwey.

Torkil Åmland oo ah wasiir ka tirsan Norway ayaa cambaareeyay  kooxaha dowladda ku diiday inay soo rogto xeerar xaqagga qaxootiga ah, hadalkoodana uu u dhigmo mid sharciga lagu jabinayo.

Soomaalida kunool dalka Norwey ayaa aad uga niyad jabsan qorshaha dowlada Norwey ku dooneyso in Soomaaliya dib ugu soo celiso dad badan oo kunool dalkaasi, waxa ayna sheegeen Soomaalida in amaanka dalka uusan wali gacanta dowlada kuwada jirin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here