Masjidkii ugu horeeyay oo loo ogolaaday Adinka

10

Masaajid ku yaala xaafada Fittja ee kamuunka Botkyrka ayaa helay ogolaashihii ugu horeeyay ee looga adimi karo masaajid ku yaala wadanka Sweden.

Inkastoo aysan dhamaan arinta aadaanka ee Masjidka Fittja ayaa hadana gudiga Qorshaynta ee kamuunka Botkyrka waxay isku raaceen in aysan jirin wax sabab ah oo diidaya in Masaajidka laga adimo. Jaaliyada Muslimiinta ee Botkyrka ayaa dalabka sameeyay, iyagoo dalbaday in loo ogolaado in laga adimo sameecadaha masaajidka maalmaha jimcaha ama bisha Ramadaanka.

Ka dib markii ay fariisteen gudiga u qaabilsan arimaha Qorshaynta ee kamuunka Botkyrka ayaa dhamaan xisbiyada ku jira gudigaas isku raaceen arintaan marka laga reebo xisbiga Krist Demokraterna (KD) oo ku dooday in fariinta aadaanka ay tahay mid ay dhibsan karaan dadka kale (maadaama mu’adinka uu leeyahay Allah mooyee illaah kale ma jiro). Waxay intaas ku dareen in aysan gudiga kamuunka aqoon ku filan u lahayn arintaan in ay qiimeeyaan balse arintu ku fiicantahay booliska.

Si kastaba ha ahaatee, Masaajidka Fittja ayaa helay ogolaashihii ugu horeeyay balse waxaa la sugayaa in golaha sare ee kamuunka ay arintaan fadhi ka yeelan doonaan bisha soo socota. Maamulka masjidka Fittja ayaa sheegay in uusan masaajidka u dhaweyn goobaha xaafadaha sidaa darteedna aysan jirin cid dhibsanaysa arintaan.

Ogolaashaha uu helay masaajidka Fittja ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay Muslimiinta Sweden oo aan horay loogu ogoleyn in ay ka adimaan masaajida banaankooda. Arintaan  ayaa horay loo dhaliilay maadaama kaniisadaha loo ogolyahay in ay kambaleelka garaacaan balse Sweden ayaa ku dooda in wadankaan uu yahay wadan Kiristaan ah.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here