Masaajida ugu weyn Sweden oo la basaasay

10-ka masjid ee ugu weyn Sweden ayaa waxaa basaasid ku sameeyay telefishinka Sweden SVT barnaamijka basaasida ee lagu magacaabo ” “Uppdrag granskning” iyaga oo u diray haween kaamiro qarsoon lagu soo xiray.

Labo haween ah oo midkood ay tahay haweeney Islaamka ka baxday ayaa waxaa loo soo galiyay niqaab iyagoo lagu xiray kaamiro qarsoon. Haweenkaan ayaa booqasho ku tagay 10 masaajid si ay ula kulmaan imaamyada masaajida una weydiiyaan talooyin ku saabsan arimaha qoyska. Ujeedada ayaa ahayd in la ogaado waxyaabaha ay aaminsanyihiin imaamyada. Arintaan ayaa keentay fadeexad in imaamyada qaar ay hadalo kala duwan yiraahdaan markii ay haweenka la kulmeen iyo marka ay dadka kale la kulmayaan.

Su’aalaha haweenkaan ay weydiiyeen imaamyada Masaajida ayaa waxaa ka mid ahaa: Ma loo ogolyahay in ninkeygu oo hal naag ka badan guursado? Haddii ninkeyga uu gacanta ii qaado booliska maku dacweyn karaa? Haddii aanan diyaar ahayn ninkeyga maka diidi karaa galmada?

6 ka mid ah imaamyada ayaa kula taliyay haweenka in aysan booliska ku dacweyn ninkooda xitaa haddii uu gacanta u qaaday. 2 imaam ayaa si cad ugu amray haweenka in ay dacweyaan ragooda. Sidoo kale 6 imaamyada ka mid ah ayaa kula taliyay haweenka in ay la seexdaan ninkooda xitaa haddii aysan dooneyn. 9 ka mid ah imaamyada ayaa u sheegay haweenka in raggu ay xaq u leeyihiin in ay guursadaan hal dumar ka badan, iyadoo ay ogyihiin in sharciga Sweden uusan ogoleyn in hal dumar ah ka badan lagu guursado wadankaan. 1 imaam ayaa u sheegay haweenka in uusan ninkooda guursan karin haween kale maadaama uu Sweden ku noolyahay oo la doonayo in uu raaco sharciga wadanka.

Arinta ceebta ah ayaa ah in markii ay wariyaasha ka socda  “Uppdrag granskning” ku laabteen labo ka mid ah Masaajida laga duubay kaamirada qarsoon isla markaana wax laga waydiiyay isla suaalihii ay uga jawaabeen si ka duwan sidii ay dumarka ugu sheegeen. Gudoonka masaajidka Uppsala ayaa telefishinka u sheegay in imaamka haweenka talada siiyay uu ka hadlay fikradiisa balse aysan ahayn arin Islaamku fasaxayo arimaha uu ka hadlay.

Maamulka Masaajidka ugu weyn Stockholm ee ku yaala Medborgarplatsen ayaa markii loo bandhigay kaamirada laga duubay ninka u qaabilsan arimaha qoyska oo haweenka kula talinaya in aysan booliska ku dacweyn ninkooda oo gacanta u qaaday, isla markaana ay okey tahay in uu ninkoodu haween kale guursado ayaa maamulka Masaajidku go’aan ku gaareen in shaqada laga cayriyo imaamka.

Arintaan lagu sameeyay Masaajida ayaa ah shirqool loogu tala galay nin lagu magac dilo Muslimiinta iyo Islaamka balse waxaa uu muuqada in imaamyada ka hawl gala Masaajida ay ku dheceen shirqoolka iyaga oo hadalo isqilaafsan u sheegay saxaafada iyo haweenka basaasiinta ah. Imaamyada qaarkood ayaa hadalkooda laga dheehan karaa in ay been u sheegayaan dadka qaar, arintaas oo ceeb ku ah dadka hogaanka u haya Muslimiinta.

10-ka masaajidka ee lagu sameeyay basaasida ayaa waxay kala yihiin Stockholms stora moské, Islamiska kulturcentret/Rinkeby, Göteborgs moské, Örebro moské, Sundsvalls moské, Imam Ali Islamic Center i Järfälla, Islamic Center i Malmö, Uppsala moské, Salsabil kulturcenter Malmö iyo Bellevuemoskén

Halkaan ka daawo barnaamijka oo dhamaystiran.

http://svt.se/ug/muslimska-ledare-uppmanar-kvinnor-till-underkastelse

21 comments

  1. rashka

    A.s Aqyaarta dhamaan wan dawaday arrintaan laakin dhibka jiro ayaa ah marne isma wafaqayaan sharciga Sweden u dagsan iyo kan Islaamka,Sidoo kale qof muslim ah marka aad la talineyso iyo marka qofkale aad suaalo caadi ah ugu jawabeyso koley wey kala duwanan karaa durufo jiro awgeed,

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  2. naana

    haa waka xumahay xalay waan firsanayay wuxu soo galay 8.00 ilaah hanaga qabto galadaan islaamkana ilaah ha is raacsho

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  3. Saredo

    Taasna makeenen wax kawayn ayay soowadan ilaahow naga qabo sharkoda iyo sharkale. lkn shiiqyada isqilaaf kooda mahee dhib kale majirto runta ayay kahad len walow ay meeshu sweden tahay inkasto qaar kood yara qal dameen ilaahow diintaada ugar gaar iyo umadaada muslamiintaa aamiin aamiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. simmy

    Qof aadan aqoon ulahayn oo wejigiisa qarsoonyahay oo lala macaamilo, dhibtan ayey leedahay. Tani waxay ku tusaysaa, qof walba oo astaan muslim wata, ha u qaadan in uu yahay muslim.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Abdirahaman sheikh dahir (wasiirka)

    asc dhamaan waa idin salamay runta hadi aan ka hadlo aniga wax walba wey dhacaan waxeyna ku dhacaan qadar alle balse imaamyada 1 waa iney ka fikiraan qofka su alaha weydinaayo in u islaam yahay iyo in kale maxaa jira hadi ey weydin lahay qof basaaska ah waxa u dhihi lahay waxan ahay muslin asiga oo gaal ah dabadeed ceyb ayee ku noqon lahee qof diin heysto in u diin kale sheegto mida kale imaamyada ma ka sina miyaa xaga mab da hadii qof su aal ku weydiyo oo diini ah iyo hadii u talo kaa rabo waxa ey ka la tahay labo farqi oo aad u kala weyn maxaa yelay talada ma ahan mid diini waa wax adiga ka so go ay diinta islamka neh waa wax sida ey tahay in aad u shegto marka waxaan dhihi lahay waxa soo socdo ayaa kadaran ee ka fiirsada wa bilaahi toofiiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Abu-Xudayfah -Dooyaale

    Walaalayaal – Mid OGAADA horta GAALO inagama RAALI ahan KEENA isku dhejiya iyo keena kaleba, ALLAAH ayaa noo sheegay , ا
    «ويمكرون ويمكر الله والله خير الماكرين» wax walbeey NOO maleegaan , oo ku doonayaan inay nuur ISLAAMKA k damiyaan , weligood DAMIN maayaan , InshAllah dacaayadaana RAQIISTA ahna ilmahooda ayaa kusoo ISLAAMI doona , markeey Islaamka baaraan , sida ku dhacday USA , UK , RUSSIA , France , maxaa yeelay Islaamka sideey dacaayad ugu wadeen dadkoodii ayaa baaray ISLAAMKA dhabta ah , helayna .

    IMAAMYADA , Daciifka ah , oo laba hadalka wadana , waa inaysan LABO labo labayn , maxaa yeelay IMAAM haddaa tahay , wax walbaa waa inaa si TOOSA uga jawaabto imaamyo DACIIFA oo marba si u hadlaa ayaa jira . Marka waa inay Diinta si dhab ah uga run sheegaan kuna ad adkaadaan .

    RUNTANA Allaa kugu jecel , haddeey diin tahayna waa inaad run sheegtaa ,

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 0

  7. Mohamed

    subxaana laah waa dhibaato aad u weeyn oo islaamka in lagu wax yeeleyo la rabo ilaaheey ayaa shartooda naga xijaabaya galadaan munafiqiinta la shaqeysana ilaheey meel xun ha marsiiyo waxeey isku dayeen in ay islaamka ceebeeyaan dumarka mid ayaan ka dhihi laha gaal waxba idiin tari maayo in aad kala hadashaan odageena wax idin dhax maray ee rabi ka baqa nimankiinana u noqda kuwa wanaagsan haay,adahaan la dhaho dumarka ayaa lagu caawiyaa waa kuwa loo sameeyay islaamka in lagu wax yeeleeyo caruurta islaamka iyo xaasasaka islaamka inb laga bixiyo wada xun aniga waxaan goob joog u ahaa nin african ah ayaa habiin naagtiisa garaacay si xun waliba alaabtii guriga tiilayna sawiradii iyo qashin badan banaanka ayoow ku gubay walaahi polis ka waa u imadeen ninkiina far ma saarin in la xiro warkeedaba daaye kaliya waa lala hadlay gurigiina iskula hoyda ayaa la dhahay hadii gabar muslimada iyo odageeda intaasi dhax mari laheed isla markiiba xabsiga ayaa loo taxaabi lahaa ilahey sharta kuwan hana mootiyo wabilaahi toowfiiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. omar

    asc aniga waxaan jeclaan lahaa in halka ay ku danbeeyaan la iisoo sheego gabdhahii ka danbeeyey jaajuusnimada islaamka waayo dad badan ayaa ku cibri qaadan laha cawaaqib xumida u danbeynso jaajuusintaas alla kafurtay nacaladii rabbi haku dhacdee dushooda.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. C/k

    Asc runtii Islaamka waxaa ku dheeley dad aan cilmi laheyn mas,alada Diinta ah sidey tahay uga jawaab markasta hadaadan aqoon dad yaaqaan u daa qofkastana diinta iska si ugu jawaab. Laakiin wahaabiyiin aan cilmi laheyn ayaa umaddiiIislaamka horboodeysa waa halkaas halka sartu (haragu) ka qurantay, wabillaahi Towfiiq asc.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  10. Allahu Akbar

    Allah,
    vrfr e de efter oss(MUSLIM) bara, inte efter juderna, jag fattar väl inte.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  11. Abu Xudayfah -Dooyaale

    Killen Allahu Akbar” du ska fatta att Islam är Sanningen , så själv klart det finns FIENDER , som har hänt alla profetterna , t.e.x , Musa cs , Isa . cs , Ibrahim , Muxamed SCW , marka xaqqu Cadaw ayuu leeyahay ,
    ” {أَفَحَسِبْتُمْ أَنَّمَا خَلَقْنَاكُمْ عَبَثاً وَأَنَّكُمْ إِلَيْنَا لَا تُرْجَعُونَ ….Ma waxay moodeen dadku inaan Cayaar u abuurnay , oo aan lasoo celinayn (Geerida iyo u noqoshada dhanka Alle)

    Marka walaal Xaqqa maahan mid lagu dhaqaaqo oo la isku daayo waa la isku Imtixaamaa , markaa waa in la sabraa !!

    Sideey u sabreen dadkii naga HOREEYAY u sabreen ,

    Qaarbaa labo cad loo kala gooyay , qaarba a, saliid lagu karkariyay ,. weliba anbiyo leh , sida Ibrahim cs oo deb lagu tuuray wim.

    Anaga wax unbaa nagala sheegay kaliyee ,

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  12. ahmed

    asc..akhyarta marka mawaxaa saxan in la qariyo xaqa alle oo la dhoho nin muslin am ha gursan karo 1 nag iyo wax ka badan hadii uu alle u baneyay swedan teda ha danbeysee hadii ay tahay suasha aniga koley ma dhageysan xalay lakin hadii ay tahay swden qofka muslimka ah maku gursan karaa 1 nag iyo wax ka badan jawaabtu waa may sida ay aniga ila tahay waxii qarsoodi ah waa goni maxa yelay iyaga uma shegi kartid arintaas wana yurub oo dhan wa ka wada siman yihiin dilkana sidedaba dil wax ma tosiyeee inta ad dili la heyd iska fur maxa yelay hadii ad dishid xitaa ma to seyso tasina waa raligeyga akhyarta

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  13. asc

    Asc Marka xigta Dold kamera ku qoslaa LIVE AYAAN LAGU SHEYGAA IN 4 LA GUURSAN KARO aniga xalay waan dhageystay waana la socday.Hadii aan sii tixraaco imaamada wee sax sanyihiin inta ee ka hadleen .ma ila xuma sabab too ah diinta islaamka ayaa og in la guursado 4 naag hadii aad awoodo kan so bixi kartid försorge kartid .Imaamada ma dhihin sverige qofka joogo ha gursado 4 lakiin sharciga sweden iyo diinta maa la is barbardhigi rabaa si qaldan ayee u fakareen kuwas .Waan ku qoslay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Massago

    asckum,, 3-da arim ninka ma guursa karaa ilaa 4 xaas,,haa, hadaw awooodo miisaaniyadooda 2 gogosha ma u diidi kartaa maya maya ilaa aw amar jiro ma-ahee sida aw shegay shiikhuba yiri oo hade jirantahay ama aw xijaab yimaad maha. 3 ma dili karaa taas waa qalad weeyn maxaa jiro hadeey kula reey diido reedeeda mar intaad ugu samri kartana ugu samar wax kakheer badan aad kahelee ood ku ilowdo dhibkay kugu heeyso

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Abdiyare

    ASC.
    Ka dib salaantaas islaamka waxaa jirta oo ay ila tahay inay diintu tahay mid oo hadii 1000 sheekh su`aalo isku mid ah la weydiiyo inaysan is khilaafeyn.
    Laakiin waxaa jirta inay soo bexeen dad sheeganaya mashaaikh laakiin calooshood u shaqaystayaal ah oo dantooda ka fikiraya cilmina lahayn meelna uga dhacaya islaamka.
    Waxaan ka wadaa waxaa ugu khayrka badan qarniyada oo diintu ugu xoog badnayd sabankii rasuulka csw. waxaana ku xigay kii asxaabya, kii taabiciyiinta, kii taabici taabiciyiinta,
    Sidaas ayuuna qarni kastaa ugu khayr badan yahay kii ka horreeyey.
    Maanta íimaamyadaan markii la weydiiyey waxay sheegeen in maanta ay diintu ugu khayr badan tahay oo hadda la fahmay. awalna ay ahayd qarniyadii jaahiliga. Subxaanallaah.
    Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa dad waa dadkii hore hadalna waa intuu yiri.
    waxaan ula jeedaa qofkii u haystoow dadkaan cusub ee leh diintaan hadda fahamnay oo awal waxba lagama fahamsanayn, inaysan ku dhicin bohosha ay u qodayaan inta iimaanka leh.
    wabillaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Abdiyare

    Cafwan
    khalad ayaan u qoray waxaan ka wadaa qarni kasta waxaa ka khayr badan kii ka horreeyey aniguna ma oran ee rasuulkaa csw, noo sheegay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Khadija

    Ma waxay Islaamka ku ceebeynayaan in 4naag oo diintu u baneysay haddii ay u cadli fali karaan iney guursadaan.
    Markay annaga na dabagalayaan maxay u dabageli waayeen kuwooda ayaga oo is qaba hadana naagaha iyo nimanka kale la tumanaya oo weliba waxay ku qanacsan yihiin in gabdhahooda inta la qaawiyo muraayad la dhexgeliyo sida Holland ka jirta oon wada ognahay ma taasaa xuquuqda haweenka ee ay dhowrayaan, intey rabaan oo naagood ama nimood ay la saaxiibi karaan, caruurta saambo iyo sarbo ku dhalaan yaa iyaga ka dhaqan xun xitaa diinta Kiristaanku ma qabto qaabka ay u dhaqmaan.
    Waxaan aad uga xumahay Imaamyada kala hadalkooda waxay heli kareen iney sida diintu tahay u sheegaan oo ay dhahaan annaga diinteenu sidaan ayay dhahaysaa sharciga wadankana sidaa ayuu qabaa.
    Markaa qofka muslimka ahi waa inuu diintiisa u hogaansamo ayadaa kheyr iyo cadaalad oo dhan ay ka dhex helayaan. Mana ahan Diin ku xadgudubta xuquuqda bani’aadamka balse waa tan ugu xaqdhowr badan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Awil

    A.c w w walaaliyaal salaan kaddib arintaan waa shirqool looga faafinaayo dicaayad xun diinta islaamka iyo muslimiinta intaba balse kawarama hadii dicaayada lagaa faafinaayo tahay xaq maxaad dareemi lahayad,kawaran haddii lagu dhaho axada kaliya tuku salaada miyaad yeeli lahayad waxaan ku raacsanahay imaamyada ku sugnaaday xaqa alle ayaa xaqa ku sugay mana ahan arintaan dicaayad ee waa xaqa iyo baadilka oo lakala cadeeyo, marka walaaliyaal xaqa ku sugnaada oo aniga hadii maanta la i weydiin lahaa sidaas ayaan uga jawaabi lahaa marka laga reebo hal su’aal oon u arko qalad taaso ah gacan qaadis gacan qaadistu diinteena xitaa ma ogola ilaaheyna si cad ayuu u yiri haddii eey is fahmi waayaan lamaanayaasha hakala tageen ilaah ayaa u irsaqaaya dhamaantooda marka wanaag iney kuwada noolaadaan ama iney wanaag ku kala tagaan ayay diintu fareysa inta kasoo hartay Imaamyada way ku saxsanyihiin muslimiinta ku nool maanta yurub mahan muslimiin xor ah ilaaheeyna wuxuu leeyahay (ALAM TAKUN ARDULLAHI WAASICATAN FATUHAAJIRUU FIIHAA) soo dhulka ilaaheey waasac mahan maad ka haajirtaan marka dadkana daruuf ayaa ku kaliftay maanta iney joogaan halkaas laakiin xaqa halagu sugnaado insha allah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Samatar galeeyr

    War wadaada maxaa dhib ka heeysta sharciga islamka:
    bal arag. been eey sheegen diinta islam-ka eey waafaq san thay wa na tan Adiladeedii:

    > beenta la sheegaa iyadoo naf lagu bad baadsa naayo

    (التقية رخصة لا يلجأ إليها إلا في حال الاضطرار، والأخذ بالعزيمة أفضل، «أجمعوا على أن من أكره على الكفر واختار القتل أنه أعظم أجرا عند الله ممن اختار الرخصة، وأما غير الكفر فان أكره على أكل الخنزير وشرب الخمر مثلا فالفعل أولى)

    iska daaya Immaamyada masaakiinta heeyska Quud sadaan Caruur toodee, oo dhuunta yaa loo gelin.
    wixi FArwaa waa in eey iska daayaan. dadkaan Gaalo iyagaa soo doontey. Gaal nimo wax eey ka dhibee ma jirto, sida Swidhiska heeyska noqdaan.
    اسم الكاتب: جورج أفرح

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. kulmiye

    wan ka xumnahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Samir

    Ilaahy dadkan sharkooga ha naga qabto.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

Sveriges största somaliska språk hemsida. Läs Sveriges senaste nyheter på Somaliska. Information för somalier i Sverige. Somaliska Lexikon. Bogga wararka Soomaalida Sweden. Wararka Nolosha Sweden.