Masaajid lagu gubay Norrköping

10

Masaajid ku yaala xaafada Hageby ee magaalada Norrköping ayaa xalay dab qabsaday iyadoo la aaminsanyahay in dabka si kas ah loo qabadsiiyay masaajidka. Xalay saacadu markay ahayd 01:00 xiligaas oo ku beegan salaada tahajudka ayaa masaajidka dhowr qeybood dab ka bilowday.

Booliska iyo dab dambiska ayaa durbadiiba goobta soo gaaray, iyadoo ugu dambeyntii lagu guulaystay in la xakameeyo dabka balse masaajidka ayaa waxaa soo gaaray burbur aad u balaaran. Cidna wax kuma kaarin dabka.

Booliska ayaa goobta xiray, iyagoo sheegay in ay baaritaan ku samaynayaan sida wax u dheceen. Balse waxaa la aaminsanyahay in dabka si kas ah loo shiday.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here