Masaajid iyo Kaniisad isku goob laga dhisayo

0

Degmo ka tirsan magaalada Stockholm ayaa qorshaynaysa in ay isku goob ka dhisaan Masaajid iyo Kaniisad. Qorshaha ayaa ah in lagu daro kaniisada Fisksätra masaajid cusub oo ay Muslimiinta iyo Kiristaanku si wada jir ah ugu tukadaan. 

Imam Awad Olwan ayaa sheegay in goobta ay Muslimiintu Ilaahey ku caabudaan hada ay aad u yartahay oo ay doonayaan in ay qayb ka gataan dhismaha Kaniisada. Arinta cajiibka ah ayaa ah in ay Muslimiinta iyo Kiristaanku ay wadaagi doonaan hal qol.

Carl Dahlbäck oo ah baadariga Kaniisada ayaa sheegay in ay dhib noqoneysa in lacag loo helo dhismaha Masaajidka balse cadeeyay in aysan Kaniisadu lacagta bixineyn.

Imaamka iyo Baadariga ayaa sheegay in ay jiraan dad aad u yar oo dhaliilsan qorshaha. Qof ka mid ah dadka dhaliilsan arintaan ayaa sheegay in ay qalad tahay in diimaha la isku qaso maadaama uu farqi wayn dhuxeeyo Islaamka iyo Kiristaanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here