Malmö: Waalidiin la xiray ilmihiina laga qaatay

13

Waalidiin Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Malmö ayaa 2 gabdhood laga qaatay iyagiina xabsiga la dhigay isbuucii la soo dhaafay. Waalidkaan ayaa Sweden ku cusub oo wadanka soo galay 1 sano ka hor.  Reerkaan ayaa 4 gabdhood haystay ayagoo labo laga qaatay labada kalena Soomaali loo dhiibay ka dib markii ay diideen in ay la noolaadaan reer Irani ah oo markii hore loo geeyay.

Reerkaan ayaa la ii sheegay in lagu haysto ka dib markii dacwo ay ka gudbiyeen labada gabdhood ee laga qaatay kuwaasoo la sheegay in ay u sheegeen dowlada in la dilo oo xijaabka lagu qasbo. Gabdhahaan la qaatay ayaa midi 16 sano jirtaa halka tan kalena ay 10 sano jirto.

Qaar ka mid ah Soomaalida Malmö ku nool oo aan la xiriiray ayaa ii muujiyay sida ay ugu xunyihiin arintaan ayagoo ii sheegay in Soomaalida ku nool magaaladaasi aysan wax dhaqdhaqaaq la taaban karo sameyn ilaa hada.

Ma ahan markii ugu horeysay ee reer Soomaaliyeed ilmahood laga qaato ayadoo isla bishaan magaalada Stockholm laga qaatay reer Soomaaliyeed 4 caruura iyagiina xabsiga la dhigay. Wararka ugu dambeeya ee aan ka hayno reerkaas ayaa sheegaya in hooyada la soo daayay balse aabaha uu wali xabsiga ku jiro.

Soomaalida Sweden ayaa arintaan ku jahwareersan ayagoo ilaa hada ay ka dhaadhici la’dahay in ilmahooda la qaato waalidkana xabsiga la dhigo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here