Home Wararka Maanta Mahad Abiib oo Dalbaday in Deg Deg loogu celiyo Dalka Jabuuti ee...

Mahad Abiib oo Dalbaday in Deg Deg loogu celiyo Dalka Jabuuti ee lagu eedeeyay.

1

Mahad Abiib oo ah Muwaadin kasoo jeeda Dalka Somaliya ayaa ugu danbeyn Dowlada Norway ka dalbaday in deg deg uga celiyaan Dalka ay ku sheegeen in uu kasoo jeedo.

Dhibane Mahad Ayaa hadalkaasi sheegay kadib markii labada Maxkamadood ee Dalka Norway gaar ahaan Caasimada Oslo ay isku raaceen in Mahad uu kasoo jeedo Dalka Jabuuti iyadoo laga diiday dhoor Racfaan uu qaatay.

Wareysi uu siiyay Joornalka kasoo baxa Dalka Norway ee ABC nyheter ayuu u sheegay in Booliska Dalka Norway uu ka codsaday in dib loogu celiyo Dalka Jabuuti ee lagu heesto isla markana diyaar u yahay arinkaasi.

Hadalka Mahad Abiib ayaana imaanaya iyadoo adag tahay in loo tarxiilo Dalka Jabuti madama Dowlada Jabuti ay sheegtay in Muwaadinkaasi uusan kasoo jeedin dalkeeda halka Norway ay diiday in Somaliya ku celiyaan.

Somaliska Stockholm

AD

1 COMMENT

  1. Waa yaab wiilkaan Mahad Abiib ii inuu yahay wiil Soomali ah oo dad badan sheegen in u soomali yahay waxaa loo heesto , Waa wax an aad ugu cajib u ah . Ilaah dhibka haka saaro, wlaalkeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here