Magaalada Fagersta & Jaaliyada Soomaalida [Video]

2

Inta badan Soomaalida Sweden ku nool meelkasta oo ay joogaan waxay leeyihiin jaaliyado ay ku mideysan yihiin ama ay ku kala qeyb sanyihiin. Jaaliyadaha Soomaalida ayaa qaarkood hore u kac weyn sameeyay halka khaarna dhaliyeen naceyb iyo kala qeybsanaan. Qilaafaadyada ka dhasha jaaliyadaha ayaa lagu micneyn karaa in uu sal dhig u yahay qilaafka weyn ee ka jira dalkeeda iyo shaqo la’aanta haysata Soomaalida Sweden ku dhaqan.

Magaalada Fagersta waa magaalo yar oo ku taal gobolka Västmanland iyadoo sanadkii la soo dhaafay ay ku soo guureen Soomaali fara badan. Soomaalida halkaan ku soo guurtay ayaa waxay kala kulmeen arimo dhowr ah oo aysan ku faraxsanayn sida in markii hore loo sheegay in shaqo iska buuxdo Fagersta ka dib markii ay baraatiik sameeyaan taasoo aan dhicin iyo in 8 saac oo baratiik ah loo diro Soomaalida.

Soomaalida magaalada ayaa sameysay Jaaliyad si ay si mideysan xiriir ula sameeyaan kamuunka iyo in ay dhexdooda kala faaideystaan. Jaaliyadii la dhisay ayaa sida caadada ka ah Soomaalida Sweden waxay dhalisay qilaafaad socday mudo dhowr bilood ah taasoo markii dambe la xaliyay.

Hadaba waxaan wareysi la yeeshay Gudoomiyaha Jaaliyada Fagersta Maxamed C/Lahi Aden kaasoo iiga waramay xaalada Soomaalida Fagersta iyo Jaaliyadooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here