Home Wararka Maanta Magaalada Eskilstuna oo Xalay toogasho lagu dilay Wiil 20 sano jir ah.

Magaalada Eskilstuna oo Xalay toogasho lagu dilay Wiil 20 sano jir ah.

0

Bartamaha Magaalada Eskilstuna waxaa xalay lagu dilay wiil 20 sano jir ah kaasi oo dhaawac ahaan loo dhigay isbitaalka markii hore.

Weerarka toogashada ayaa ka dhacay bartamaha magaalada gaar ahaan Wadada Nyforsgatan saacada marka ay aheyd 19:30 pm ee xalay.

booliska oo goobta gaaray ayaa ugu tagay 20 sano jirkaasi oo dhaawac ah kaasi oo xiligaasi loo qaaday isbitaalka lakin dhaqaatiirta kuma guuleysan in ay badbaadiyaan.

goobjooge ku sugnaa goobta ayaa sheegay in qof dhalinyaro oo wajiga ka xiran uu goobta ka cararay marka uu falka dhacay mana jirto qof loo qabtay weerarkaasi iyo qof looga shakinsanyahay.

Weerarka toogashada ayaa noqonaya kii 3 aad ee ka dhaca magaalada tan iyo bishii August oo kaliya.

Xigasho TT

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here