Home Wararka Maanta Magaalada Columbus oo lagu dilay labo Wiil oo dhalinyaro Somali ah..

Magaalada Columbus oo lagu dilay labo Wiil oo dhalinyaro Somali ah..

0
Boqolaal Soomaali ah ayaa ka soo qeybgashay aas si wada jir ah loogu sameeyay labo dhalinyaraa oo maalinimadii sabtida lagu dilay mid kamid ah xaafadaa magaalada Columbus.
Dhalinyaradan waxa ay wada saarnaayeen halgaari waxaana loo tooktay si isku mid ah mana suurogalin in dhaawac lagu soo gaaro.
Booliska oo goobta yimid ayaa qaaday medka kuna wargaliyay laamaha amaanka in la dilay labo dhalinyaraa oo wali aan la hayn dadkooda waxaase maalin kadib ogaaday eheladooda oo lagu wareejiayay.
Manta ayaa lagu aasay qabuuraha muslimiinta ee Columbus Ohio waxana ka soo qeybgalay dad aad u baddan oo ka murugsan waxa dhacay.
Waxaa lagu kala magacaabi jiray C/laahi Sacid Sharif  oo 30 jir ahaa & Cabdiqaaliq  Sacid Maxmed oo 20 jir ahaa.
Ehelada labadan dhalinyaradaa waxa ay noo xaqiijiyeen in aysan ilaa iminka helin wax faahfaahin ah oo la xariirta dilkooda baaritaan aysan ka hordhici karina uu socdo.
Culumadii iyo waxgaradkii ka hadlay meesha ayaa aad uga walaacay dilkan iska socda ee aan ilaa iminka cidna maxkamad la soo taagin
Waxa ay Culumadu ugu baaqeen jaaliyada in ay ku baraarugaan halista ku xeeran ubadkooda una istaagan sidii loo heli lahaa sil siladaha halistaa ee dhalinyarada ku dhex jira.
Sanadkii hore 2017 ayay ahayd markii 8 dhalinyaraa lagu dilay Columbus kuwaas oo sida la sheegay Soomaalida dhexdeeda ay mushkiladu ahayd.
Ciidamada danbi baarista iyo Boolisku waxa ay aad uga wal walsanyihiin Cabsida aan micnaha lahayn ee haysa dadka Soomaaliyeed kuwaas oo hadii ay danbiilaha sheegaan u arkaya in iyaga la layn doono taasna ay tusaale xun u tahay sidii guul looga gaari lahaa arintaasi
Deeqo Shire (Deeqo SONNA)
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here