Lacagta TVga oo laga yaabo in canshuur lagu badalo

9

Lacagta TVga ee ay qaado Radiotjänst ayaa laga yaabaa in canshuur laga dhigo sida ay ku taliyeen gudi ay u saartay dowlada. Gudigaan oo hawshooda ahayd in ay soo bandhigaan qaabka wax looga badali karo lacagta TVga oo aysan dad badan bixin ayay mudo baaritaan ku hayeen iyagoo ugu dambeyntii soo bandhigay in laga dhigo canshuur.

Canshuurta ayaa la mid noqonaysa mida aaska oo waxay waajib ku noqonaysaa dhamaan qofkasta oo canshuur bixiya. Hada ayaa waxaa waajib ah in qofkasta oo telefishin u yaallo uu bixiyo 2,076 kr sanadkii balse dad badan ayaa iska diida in uu telefishin u yaallo halka qaar badan ay kombutarada ka daawadaan.

Qorshaha cusub ayaa wasiirka dhaqanka waxaa loo bandhigayaa 10 bishaan September iyadoo baarlamaanka hordhigi doonta. Haddii baarlamaanka uu aqbalo ayay markaas meesha ka bixi doonaan ragga dadka guryaha ku soo garaaca ee waydiiya in telefishin kuu yaal iyo in kale. Maadaama canshuur layska qaadayo markii uu mushaar ku soo dhaco.

Arintaan ayaa ah mid u wanaagsan Soomaali badan oo dhibaato ku qabta lacagta TV oo marar badan ay ku qasbanaato in ay qariyaan TVga u yaal. Lacagta TVga ayaa waxaa lagu bixiyaa qarashka ku baxa telefishinada SVT, idaacada Sweden (SR) iyo Kanalka waxbarashada Utbildningsradio (UR). Ujeedadu lacagta dadka looga qaado ayaa ah in telefishinadaan ay noqdaan kuwo ka madax banaan danaha siyaasiyiinta iyo shirkadaha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here