Laanta Socdaalka Sweden oo baaritaan ku samaysay xaalada Somalia

28

Wafdi ay Laanta Socdaalka (Migrationsverket) u dirtay in ay baaritaan ku sameeyaan xaalada amaanka iyo nolosha Somalia ayaa dhamaadkii bishii hore soo bandhigay warbixintooda. Wafdigaan ayaa booqasho ku tagay magaalada Nairobo halkaasoo ay wareysiyo ka soo qaadeen dad u dhuun daloola xaalada Somalia. Iyagoo ka cabsaday amaankooda in ay tagaan Somalia.

Warbixinta wafdiga ayaa lagu muujiyay in xaalada amaanka ee Somalia ay wali tahay mid aan deganayn isla markaana xarakada Alshabaab ay wali yihiin kuwo firfircoon inta badan wadanka. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in saamaynta dowlada Somalia aysan ahayn mid wanaagsan oo dhexdeeda ay jiraan isqabqabsi qabiil iyo musuqmaasuq badan.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in goobaha ay maamusho dowlada ay wali tahay mid aysan qatar guud haysan dadka shacabka ah balse dadka bartilmaameedka ah sida xubnaha dowlada, amisom, ganacsatada, dadka u shaqeeya hay’ada, culumada, wariyaasha ay wali yihiin kuwo qatar ku jira. Dadka Al-shabaab ka goostay ayay sheegeen in ay iyaga qatar ugu jiraan in la dilo haddii la qabto balse aysan Al-shabaab sidaas u daba galin dadka aan jagada sare ka hayn xarakada.

Guud ahaan warbixinta ayaa sawir mugdi ah ka bixisay xaalada Somalia iyo hor u socodka wadanka. Ujeedada waftiga ayaa ahayd in loo kuur galo xaalada taasoo saldhig u noqon karta siyaasada socdaalka ee Sweden ee ku aadan Somalia iyo sida loola dhaqmayo dadka qaxootiga ah ee ka yimaada Somalia.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here