Laanta Socdaalka oo ku talisay in wax laga badalo codsiga magangalyada

11

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa ku talisay in wax laga badalo nidaamka magangalyada ee Sweden iyagoo soo bandhigay qorshe qofku uu ku dalbanayo labo codsi marka uu isdhiibo. Qorshahaan ayaa ah in qofka loo ogolaado in uu xareysto codsi magangalyo iyo mid shaqo.

Hada ayaa loo ogolyahay dadka la diiday in ay xareytaan codsi shaqo balse waa marka codsigooda magangalyo la diido. Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in aysan habooneyn in qofka bani’aadamka ah uu sugo mudo dheer ilaa uu ka ogaado in la diiday. Qorshahaan ayaa meesha ka saaraya mudo dheer oo dadka la diiday ay sugaan in la celinayo iyo in degenaansho shaqo la siisay.

Xisbiga Socialdemokraterna ayaa ka soo horjeestay qorshahaan iyagoo sheegay in aysan habooneyn in laysku dhex wado magangalyada iyo shaqada oo haddii qofku uu shaqo dalbado ay meesha ka baxayso xuquuqdiisii magangalyo.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahaan ayaa haddii la aqbalo noqonaya mid wax ku ool u ah dad badan oo magangalyada loo diiday kuwaas oo intii ay sugi lahaayeen mudo dheer bilaabi kara in ay shaqo raadsadaan maalinta ay Sweden soo galaan oo markii shaqo ay helaan qaadanaya degenaanshaha wadanka ama laga yaabo ka hor in loo aqoonsado qaxooti.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here